DAAWO: ​Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay arinta Qalbi Dhagax

Image

JIGJIGA, DDSI- Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar ayaa ka hadlay qabashada sarkaal katirsan ururka ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariim Qalbi Dhagax kasoo dowladda Somalia ku wareejisay Ethiopia.

Cabdi Cumar ayaa warbaahinta dowladda deegaanka Somalida waraysi uu siiyay kaga hadlay arrimaha ninkaas oo baraha bulshada aad u qabsaday tan iyo markii ay soo baxday in loo dhiibay laamaha ammaanka dalkaas.

Madaxweynaha DDSI, ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu yahay sarkaal u dhashay dhulka Somalida Ethiopia, sidoo kalena dambiyo ka galay, wixii arrimihiisa ku saabsana loo eegayo Dastuurka dalkaas wuxuu ka qabo, maadama sida uu hadalka u dhigay uu yahay shakhsi gaystay dambiyo ay ku jiraa, dil, dhac, kufsi iyo kamid noqoshada urur Argagixiso ah.

“Cabdikariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo?. Waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, Cabdikariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo,” Ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Cumar ayaa eedeeyay shacabka Somaliyeed ee u doodaya Qalbi Dhagax, isagoo ka codsaday inay ka hadlaan dhibaatada Al Shabaab ay u gaysanayso shacabka.

“Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu  halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya, mey ka mudaaharaadaan Ardaydii qalin jebinayay ee la qarxiyay, kuwa masaajidada lagu dilo, qaraxa maalin kasta dhacaya, maxay maalina ugu mudaaharaadi waayeen.”Ayuu yiri hadalkiisa ku daray Cabdi Maxamud Cumar.

Xildhibaano katirsan dowladda Somalia oo muddooyinkii dambe waday qorshe ka dhan ah dowladda Farmaajo oo ay ugu qareemayaan Qalbi Dhagax ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna ka dalbaday inay ka hadlaan masiirka umadda Somaliyeed, wuxuuna ka hadalkooda qorshaha sarkaalkaas uu ku sifeeyay mid ay ka leeyihiin ajandayaal kale.

“Hal Su’aal ayaa weydiinayaa Xildhibaanada, Mooshin maad ka keentaan Al-Shabaab, inta laga doodayo arrinta Cabdikariin, lama arkin Xildhibaan ka hadlaya dhibaatada Al-Shabaab iyo horumar la’aanta ay shacabka la rabaan, ee cod u raadinaya ama xaabo u aruursanaya lama arkin, marka dan kale adoo leh in Deegaanka Soomaalida Itoobiya wax ka sheegta kuuma banaana, Itoobiya cadaw kuma ah Soomaaliya, horumarkeeda iyo nabadgelyadeeda ayay rabtaa.” Waxaa sidaas waarbaahinta u sheegay Cabdi Maxamud Cumar.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Dadka ku nool DDSI ay yihiin Ethiopia, isagoo sheegay inaysan ogolayn wax dhibaato ku haya dalka iyo dadka Somaliyeed, wuxuuna taas badalkeeda ugu baaqay inaysan ku noqon cadow ama aysan magan galin cid iyaga dullaan ku ah.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia oo hadlayay muddo ku dhow 15 daqiiqo ayaa sidoo kale xusay in labada waddan ay ka dhaxayso heshiis isdhaafsi maxaabis ah, isagoo xusay inay saxiixeen qaar kamid ah madaxdii hore DFS.

“Dowladda hada jirta ee Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, shalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayay ka codsadeen in loo sii daayo 114 dhalinyaro oo halkan dambi ka galay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu amar ku bixiyay in farta laga saaro, markii la sii daayay waa lagu amaanayay, markaas waxaa laga jawaabayay xiriirkii labada dowladood ee horay u loo saxiixay ee Wasiir Mahad saxiixay, Madaxweyne Cabdikariin saxiixay, heshiisyaas ayay ahaayeen waxa laga jawaabayo, laakiin in la yiraahdo nin 1977 ku dhaawacmay daw ma ahan." Ayuu yiri Madaxweynaha DDSI.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli dowladda Somalia aysan wali ka hadlin arrinta Qalbi Dhagax, waloow dadweynuhu aad ugu lafo gurayaan qodobkaas baraha bulshada.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA OO DHAMMAYSTIRAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM