Madaxweynaha dowlada Somalia oo dib ugu noqdey Muqdisho

Image

MUQDISHU Jan 30,2015 [GO]- Madaxweynaha dowlada Somaia oo magaalada Addis Ababa kaga qayb galayey shirka wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD ayaa safar deg deg ah dib ugu soo noqdey magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa sheegaya in sababta madaxweynaha safarkiisa u soo gaabshey aheyd madaama gudoonka Barlamanka Ra'isal wasaaraha Somalia ku wargaliyeen in xukuumada la horkeeno golaha shacabka taasoo shaki laga muujiyey in la ansaxin doono.

Xasan Shiikh oo galabta makhribkii kasoo dagey garoonka Muqdisho ayaa bilaabey inuu u ololeeynayo sidii xukuumada loo ansaxin lahaa isagoo kulamo la qaatey xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia iyo gudoonka.

Maalinta berri ah ayey ku egtahay 14 cisho oo xildhibaanada horey u siiyeen Ra'isal wasaaraha iyadoo wararku sheegayaan in Cumar Cabdirashiid  qabo fikrka ah in waqtiga loo kordhiyo.

Xukuumada cusub ayaa waxaa tageerey Qaramada midoobey, dowlada Mareykanka iyo urur goboleedka IGAD.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM