Xasan Shiikh oo aqbalay xil ka qaadistii Sanbaloolshe

Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaaday xil ka qaadistii Golaha Wasiirradu [Sept 7, 2014] ku sameeyeen Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe oo ahaa Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka.

Madaxweynuhu markii hore go'aankaas isaga ah aaad buu uga soo horjeestey, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu degdegey oo aan sharciga waafaq sanayn, taasina waxay horseeday inuu khilaaf soo kala dhex galo isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha, kuna taariikhaysan maanta oo ay bisha September 20 tahay, ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Cabdulaahi Maxamed Cali San-baloolshe oo ahaa Agaasimihii Hay'adda Nabad Sugidda.

Qoraalkaas oo nuqul kamid ahi uusoo gaarey Garowe Online ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda, laga bilaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 20/09/2014 Madaxweynaha  wuxuu xilka  Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka ka qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo maalmo kahor u waramay Idaacadda BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in sababta koowaad ee San-baloolshe lagu eryey tahay ku-tagrifal awoodeed, wuxuuna intaas raaciyey in mas'uulkaasi si cad hadallo meel ka dhac ah marar badan ugu yiri mas'uuliyiinta sare ee dowladda, amarna uu ku bixiyey in Hay'adda Nabad Sugiddu faraha la gasho wax aan shaqadeeda ahayn. 

C/weli wuxuu beeniyey in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo Madaxweynaha, haseyeeshee waxaa markhaanti madoonto ahayd in labada mas'uul ee Dowladda Federaalka ugu sarreeyaa ay arrintan aad ugu kala aragti duwanaayeen.

Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe oo saddex bilood kahor [July 9, 2014] loosoo magacaabay Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda, wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM