Maamulka Galmudug oo ka qayb galaya caleemo-saarka Kismayo

Image

Sept 12, 2015 (GO)- Magaalada Kismayo oo maanta lagu qabanayo caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in halkaas tagaan wufuud ka socota dowlada Federaalka, maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in halkaas diyaargrow ka socda sidii loo soo dhoweyn lahaa wufudaas iyadoo halkaas maalintii shaley uu gaarey madaxweynaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa wararku sheegayaan  inuu shardi ku xirey kasoo qayb-galka caleema-saarka la filayo inuu maanta ka dhaco magaalada Kismayo isagoo codsadey in Cabdikarim Xuseen Guuleed laga martiqaado xafladaan.

Casumaada maamulka Jubaland u fidiyey waftiga ka socda Galmudug ayaa dadka siyaasada falanqeeya aamisan yihiin iney wajigabax ku noqoneyso madaxweynaha dowlada Puntland iyo waftigiisa kuwasoo maalintii shaley Sept11,2015 gaarey magaalada Kismayo.

Dowlada Puntland ayaa horey u diidey iney aqoonsato maamulka Galmudug madaama ay sheeganeyso degaano ka tirsan maamulkaas

Dhinaca kale waxaa ka qayb galaya xafaladaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo isagu xiriirka uu la leeyahay maamulka Jubland wayadii dambe uusan wanaagsaneyn.

Dowlada Jubaland ayaa Sept 9,2015 ku kordhisay tirada xildhibanaada Barlamanka Jubaland 10 xubnood talaabadas oo loola jeedey sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ay la leeyihiin maamulka Koonfur Galbeed iyo dowlada Federaalka kuwasoo shuruudo adag ku xirey kasoo qayb galka caleema-saarka madaxweyne Axmad Madoobe.

Xildhibaanada la kordhiyey ayaa intooda badan sida la rumeysan ka imaanayaan beelaha Digil iyo Mirifle kuwasoo sheegayey in tiradii ay xaqa u lahayeen aan laga siin Barlamanka Jubaland.

Tan iyo shalay waxaa magalada Kismaayo xarunta KMG ah ee dowladda Jubbaland kusoo qul-qulayay madax caalami ah oo ka kala socota dowaladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo dalal danaeeya arrimaha Jubbaland.

Wafuudda caalamiga ah ee maanta la sugayo:

1-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

2-Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid

3- Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas

4-Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed

5- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

6- Wafdi ka socda midowga reer Yurub

7- Wafdi ka socda dowladda Kenya

8-Xubin wakiil ka ah dowladda Jabuuti

9-Wakiillo ka soda dowladda Mareykanka

10 -Wakiillo ka socda dowladda Imaratka

11 -Wakiilo ka socda dowladda Ingiriiska

12- Tedros Adhanom Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya.

Sido kale waxaa la filayaa xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo gaaraan Kismaayo saakay.

Dhanka dowladda Kenya waxaa ka imaan doona Senetor Yussuf Haji, Mojority leader Aden Barre Hon ilyas Bare Shiil Hon Shukran Senetor Coloow iyo Siyaasi Omar Aden.

Wafuudan ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka dhaceysa Kismaayo.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira caleemosaarkaan iyo sida loo soo dhoweeyo waftiyada imaanaya magaalada Kismayo saacadaha soo socda.

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM