Madaxweynaha Jubaland oo Garoowe soo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image

July 11, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa goor dhow soo gaarey magaalada Garowe. 

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Jubaland  kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey xarunta madaxtooyada.

Axmed Madoobe muddada uu Garowe ku sugan yahay, waxay la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa Puntland, isimmada iyo qaybaha kale ee bulshada. 

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulammadaas diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah: hirgelinta nidaamka federaalka, maamulka Cadaado iyo; xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka. 

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Jubaland ka qayb qaadan doono xal u helista xiisadda ka tagan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo saddex asbuuc ah isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo. 

Jubaland ayaa dhowaan shaacisay inay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Baarlammaanka Federaalku u codeeyey in baarlammaanka Jubaland yahay mid lagu soo dhisay qaab aan sharci ahayn. 

Waa markii labaad intii lagu guda jirey sanadkan 2015 ee Madaxweynaha Jubaland  booqasho ku yimaado Puntland.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirrada dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa... 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM