Madaxweynaha Jubbaland oo furay Kalfadhiga Barlamanka

Image
Image
Image

Kismaayo, Jubbaland- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somalia Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah furay kal-fadhigii Sadexaad ee Barlamanka maamulkaas.

Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa maanta goob joog ahaa 52 mudane.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay waxqabadka Xildhibaanada iyo xaaladda guud maadama ay muddo ku maqnaayeen fasax.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Khudbad uu jeediyay kaga hadlay abaaraha dalka ka jira, isbadalkii ka dhacay Somalia isagoo sheegay inuu la shaqayn doono xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Xaaladda abaaraha  ayuu xusay inay kor u qaaday amni xumada ka jirta qaar kamid ah deegaanada maamulkaas, maadama sida uu sheegay wali gacanta ku hayaan degmooyinka qaybtood ururka Al Shabaab.

Wuxuu soo dhaweeyay dhismaha dowladda cusub ee Somalia, wuxuuna ugu baaqay in la taageero oo lala shaqeeyo madaxda cusub.

“Amaanku maanta aad buu u wanaagsan yahay arintaasna waxay ku timid dadaal iyo wakhti aan galinay balse waxaa lagama maarmaan ah in aad laftigiinu Bulshada iyo Ciidamada aad sharciyan wacyi galisaan oo aad dadka dhex gashaan,” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha kala duwan ee Dowlada ayuu Madaxweynaha Dowlada Jubbaland sheegay in Xarumo loo dhisayo si gaar ahna wuxuu xusay in Tv-ga Dowlada iyo Wasaarada Warfaafinta dhismo la siiyay oo hada dayactir iyo qalabayn ay ku socoto.

Dib u xoraynta ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay wax waajib ku ah dadka iyo Dowladaba in Al-Shabaab lala dagaalamo oo dhulka ay haystaan laga xoreeyo.

“Dhamaan xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo kuwa Xukuumada waa in aan dareeska wada xirana oo aan hawlgalkaas u wada istaagno Shacab iyo Dowlad,” Sidaas waxaa xusay Axmed Madoobe.

Shirarka Golayaasha Dowlada ayuu sheegay in hada wixii ka danbeeya lagu qaban doono hadba deeganka laga saaro ururka Al Shabaab si dadku ay u ogaadan inay haystaan xukuumadda ay iyagu leeyahiin oo u adeegaysa.

“Sharciyada dhulka Dowlada ayaa leh mana jirto sabarloog aan ahayn tii Dowladii Siyaad Bare oo shaqaynaysa isla markana dhul lagu haysan karo,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Baarlamaanka ayuu Madaxweynahu gaba gabadii ku dhiiri galiyay in ay shaqadooda dar-dar galiyaan mudada Dowladan u hartay si wax miro dhal ah ay uga tagaan oo hadhow loogu aayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM