Madaxweynaha Jubbaland oo Kismayo lagu caleemo saarey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 September, 2015(GO)-Waxa maanta lagu caleemo-saaray magaalada Kismayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Munasabadda waxaa ka qayb galay ma'uuliyiin kala duwan oo ka socatay DFS, maamullada Puntland, Koonfur Galbeed Somalia, Galmudug, xubno ka socday QM, IGAD, Itoobiya, Kenya iyo Turkiga.

Xafladda ayaa goor dambe oo galabta ah dhammaatey, waxaana khudbado kala duwan soo jeediyay xubnaha ka qayb galay iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhawaan ayaa doorasho ka dhacaday Kismayo waxaa lagu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo aan weli soo dhisin golihiisa xukumadda.

Garoweonline ayaa idiin soo gudbin doonta xogaha ugu muhiimsanaa caleema-saarkii Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM