Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Hanti dhowre

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa magacaabey Hanto dhowre cusub, oo markii ugu horeysay ay yeelato Jubbaland tan iyo markii la aas-aasay 2013.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maalintii shalay, balse maanta ka shaaciyay ayaa loogu magacaabey Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayid, Hanti-dhowrka guud ee maamulk Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa wajahay xilliga cadaadid xooggan isagoo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada aad u xumaaday tan iyo markii uu billowday khilaafka Khaliijka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowr jeer eedeymo cul-culus u jeediyay dowladda Federaalka, oo uu sheegay inay wado qorshe ay ku burburinayso maamul goboleedyada, sidoo kalena aysan dooneynin inay fuliso heshiisyadii ay wada galeen.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM