Madaxweynaha KG oo qarxiyay dagaal siyaasadeed qabyaaladeysan

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/Casiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa qarxiyay dagaal siyaasadeed qabyaaladeysan, to kaasoo ka socda baraha bulshada [Social Media].

Lafta-Gareen ayaa khudbad uu habeenkii Khamiista [December 19] ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1aad ee kasoo wareegatay doorashadiisa kaga hadlay shacab Koonfur Galbeed kasoo jeeda oo lagu dilay Gaalkacyo.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe in si ay u daboolaan dadkiil lagu dilay Gaalkacyo ay warar been abuur ah ka faafiyaan maamulka uu hogaamiyo.

Wuxuu xusay in Siyaasiyiinta mucaaradka ay hadal-qabsi ka dhigteen “xasuuq baa ka dhacay Baydhabo”, iyagoo doonaya inay ku xumeeyaan dowladda Federaalka, oo kaalin ku lahayd dhismaha maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed.

“Iyagoon Baydhabo imaan ayay been ka sheegaan, ujeedada laga leeyahay waa inay dowladda ku xumeeyaan, waxaana ku jira dadkaasi kuwa kasoo jeeda degaanno lagu dilay dad u dhashay Koonfur Galbeed, mana xishoonayaan oo waxay qarinayaan dhiiga dadkii maalinta cad lagu xasuuqay Gaalkacyo,” ayuu yiri Lafta-Gareen.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka falceliyay siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kasoo jeeda degaanada Galmudug.

“Madaxweyne Lafta Gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Mahad Salaad waxaa si kulul ugu soo jawaabey C/fitaax Geesey, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeedka, islamarkaana ay kawada tirsan yihiin Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si Mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay. Fiiro Gaar waxaan ka dalbanayaa dhamaan xubnaha KG ee baarlaman ka iyo inta samaha jecel ee soomaaliyed iney meel kaga soo wada jeestan arrintan,” ayuu yiri Geesey.

Dagaalka baraha Bulshada ka socda, waxaa sidoo kale kusoo biiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Isxaaq oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Mahad Salaad.

“Ma garan karo xaasidnimo iyo uur xumo ka wayn inay jirto in bulsho soomaaliyeed lagu tilmaamo in ay dhamaantooda argagixiso yihiin, inagoo og sida arxan darada ah ay argagixisada shabab u xasuuqeen ummada soomaaliyeed iyagoo aanan u kala saarin saqiir iyo ciroole,” ayuu isna ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur ayaa isna jawaab ka bixiyay hadalka Lafta-Gareen, isagoo sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo ay geysteen mooryaan beeleed, islamarkaana uu ahaa “fal danbiyeed waxshinimo leh”.

“Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo,” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu intaasi raaciyay: “Walaalkey C/casiis Lafta-Gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran”.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay hadalada xanafta leh ee baraha bulshada isku dhaafsanayaan siyaasiyiinta, qaarkood xilal qaran haya mid damqinaya boogo hore, oo bogsanayay, ayna ahayd inay ka fogaadaan adeegsiga qabiilka xilligan oo dalku kasoo kabanayo dagaal sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM