Madaxweynaha PL oo ka tacsiyeeyey geerida Marwo Aamino Abiib

Image

April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas aayaa ka tacsiiyeeyey geerida Marwo Aamino Abiib oo ahayd xaaska madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Madaxweyne Gaas ayaa Ilaah uga baryey marxuumadda inuu naxariista janno ka waraabiyo dhammana eheladii iyo qaraabadii ay ka tagteyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Galabta ayaa lagu wadaa in marxuumadda aas qaran loogu sameeyo Garowe, waxaana aaskeeda ka qayb geli doono madaxda ugu sarreysa Puntland.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay ka tacsiyeynayaan geerida Marwo Aamino Abiib.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM