​Madaxweynaha Somalia oo arrimo badan ka hadlay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu maamusayey maalinta Midowga Yurub oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh, ayaa madashaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay, taageerada Yurubka Midoobay, weerarada kooxda Shabaab iyo wada-hadal ay la leeyihiin dalka Talyaaniga oo ku aadan dhalinta tahriibka ku gashay waddankaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya labada dhinac uu yahay mid qota dheer oo soo bilowday tan iyo markii Somalia xornimadeedii qaadatey, ilaa waqtigan la joogana uu xooggan yahay.

“Midowga Yurub waxay gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada Soomaaliya, ha noqoto dhanka dib u dhiska dalka, amniga iyo mashaariicda horumarinta. Inagoo taageeradaas ka faa’ideysaneyna ayaan waxaan ku tallaabsaney guulo la taaban karo. Soomaaliya horay ayay u dhaqaaqdey, umana joogsaneyso cadowga argagixisada ee doonaya inay dib inoo celiyaan,’’Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Xasan Sheekh, ayaa xusay in ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM dagaalo ba’an ku hayaan Al Shabaab, balse wuxuu weerarada ururkaasi ku tilmaamay mid naf la caari ah, isago qaraxii saaka ku sifeeyay mid fulaynimo ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in dhalinyaradu yihiin mustaqbalka dalka, loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan fursaddaasi, siiba dhinacyada siyaasadda iyo horumarka.

“Waxaan Midowga Yurub iyo beesha caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu siiyaan sidii xarumo dhinaca mihnadaha loogu abuuri lahaa dhalinyaradeena si ay xirfado shaqo uga bartaan. Dhalinyaradeena waa inaan ka soo weecinaa Al Shabaab, isla markaana tusnaa inay jiraan fursado wanaagsan oo nololeed oo aan wax xiriir ah la lahayn xagjirnimada’’.

Maxamud, wuxuu uga mahadceliyay Midowga Yurub dadaalkooda dhinaca la dagaalanka burcad badeedka, badbaadinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka, iyo taageerada kala duwan ee Somalia u fidinayaan.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha caddeeyay inay jiraan wadahadalo u socda Soomaaliya iyo Talyaaniga kuna aaddan sidii dhalinyarada tahriibka ku gashey Talyaaniga dib ay si khiyaari ah ugu soo laaban lahaayeen waddanka, looguna abuuri lahaa fursado nololeed oo wanaagsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sidoo kale booqday dhulka cusub ee laga dhisayo xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Munaabadda waxaa sidoo kale ka hadley Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM