Madaxweynaha Somalia oo cambaareeyey weerarkii Central Hotel

Image

February 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerradii is-miidaaminta ahaa ee maanta Al-shabab la beegsatay Central Hotel oo ku yaal bartamaha  magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay weerarkaas fal waxashnimo ah kaasoo aan wax dib-u-dhac ah ku keeni doonin shaqada dowladda. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku geeriyoodey isagoo kuwa dhaawacmeyna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

"aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo" ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

"Ciidammadeena amniga oo kaashanaya ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), iyo shacabka marnaba joojin maayaan dagaalka kooxahaasi ka dhanka ah, ilamaa Soomaaliya ay nabad buuxda ka hesho"

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku geeriyootey ku dhowaad soddon kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo maanta ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM