Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u direy Madaxweynaha Nigeria

Image

April 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u direy madaxweynaha la doortey ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu khadka telefoonka kula hadley dhiggiisa Nigeria una hambalyeeyey.

Madax badan oo caalamka ah ayaa hambalyo u direy madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria.

Doorashadii saddex maalmood kahor dhacday ayaa ahayd tii lixaad ee si dumuqraadi ah ku dhacda laga soo bilaaabo sanadkii 1999, markaasoo hoggaanka dalka dowlad rayid ahi la wareegtey.

Waa markii ugu horreysey muddo shan iyo toban sano ka badan ee mucaaradka Nigeria talada dalkaas la wareegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM