​Madaxweynaha Somalia oo khilaafay hadalka Ra'isal wasaaraha

Image

Madaxweynaha Somalia ayaa khilaafay hadalkii Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ka sheegay dalka Turkiga intii lagu guda jiray shirkii loogu magac daray madasha lixaad ee looga hadlayay arrimaha Somalia. Halkaan ka akhri

Xasan Sheekh Maxamud, oo gunaanadkii shirkaas la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan Puntland ka qayb galin shirka halka Cumar Cabdirashiid uu sheegay inay Puntland kajoogaan xubno matalaya Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha oo tilmaamay inay ka xunyihiin maqnaanshaha Puntland, ayaa cadeeyay inay arrintaasi la xiriirto siyaasadda labada dhinac gaar ahaan 2016 iyo qaabka loo marayo doorashada, wuxuuna sheegay inay ku dadaaleen qaabkii loo qancin lahaa.

Xasan, ayaa tilmaamay in shirka Istanbul khuseyn arrimo siyaasadeed balse looga hadlayay barnaamijka hiigsiga cusub ee "New Deal".

Madaxweynaha ayaa xusay inay tagayaan Puntland sida ugu dhaqsaha badan si looga qanciyo tabashooyinkooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in maamulkaasi yahay aas-aasaha waxyaabaha lagu muransanyahay isagoo sheegay inaysan doodi kataagnayn Puntland inay ka mid tahay Federalka iyo in kale.

Hadalkan, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay xilli Ra'isal wasaare Cumar tilmaamay in Puntland shirkaasi uga qayb galeen xubno wasiirro matalaya madaxweyne Gaas oo cududaar kamujiyay inuu tago dalka Turkiga.

Shirka Istanbul ayaa warmurtiyeedka kasoo baxay lagu ansaxiyey in la tageero habka doorasho ee 4.5 kaasoo khilaafsan hadalka madaxweyne Xasan Shiikh oo ahaa in kulankaan uusan aheyn mid siyaasdeed.

Warmurtiyeedkaan ayaa qodobkiisa Afrdaad lagu xusey in Ka maqnanashaha Puntland dhaawaac ku yahay higsiga doorasho ee Somalia, qodobkaas oo aysan jecleysan madaxda dowlada Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM