Madaxweynaha Somalia oo ku wajahan Nairobi

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la qorshaynayaa inay u safraan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ujeedka socdaalkan oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay, ayaa wararku sheegayaa inuu la xariiro arrimaha abaaraha ee ka jira Somalia iyadoo lagusoo qaadi doono dhinaca ammaanka.

Waxaa ka furmi doona shir ay isugu imaan doonaan Madaxda Africa oo looga hadlayo xaaladda mandiqadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu  kulankaas uga waramo xaaladda dalka iyo dhibaatooyinka ka jira, taasoo uu kala hadli doono madaxda imaanaysa madashaas inay doorkooda kasoo baxaan.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in ajandayaasha Madaxweynaha ee dalka Kenya ay qayb ka tahay arrintan xerada Qaxootiga ee Dhadhaab taasoo ay horay xukuumadda Nairobi wacad ugu martay inay albaabada isugu dhufan doonto.

Dhinaca kale labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay kawada hadlaan xiriirka Somalia iyo Kenya gaar ahaan iskaashiga amniga, dhaqaalah iyo isu socodka.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid xilli dhawaan Uhuru Kenyatta uu booqasho qarsoodi ah ku tagay degmada Dhoobley ee gobolka Gedo, taasoo ay ka xumaatay dowladda Federaalka Somalia.

Balse Kenya oo arrintaas ka hadlaysay, waxay sheegtay inaysan jirin khilaafaad ka dhex-taagan labada dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM