Madaxweynaha Somaliland oo eedeeyay dowlaadda Somalia

Image

11 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta kahadlay arrimo kusaabsan xaaladda Somaliland, Somalia iyo xasaaradda kataagan Bariga dhexe.

Siilaanyo oo khudbadiisa 6-aad ee dastuuriga ah ka jeedinayay labada gole Guurtida iyo Wakiilladda Somaliland ayaa soo hadal qaaday waxyaabo ay kamid ahaayeen wadahadallada u dhaxeeya maamulkaas iyo dowladda Somalia, hoos u dhaca ku yimi sicirka shilling Somaliland, adkaynta maamulka wanaaga, garsoorka iyo cadaaladda.

Madaxweyne Axmed Maxamed ayaa dowladda Federalka Somalia ku eedeeyay inay gobolka waddo arrimo aan munasab ku ahayn jiritaanka Somaliland isagoo xusay inay faragalinayso ciidda iyo calanka maamulkaasi.

Madaxweynuha ayaa si weyn uga hadlay siyaasadda dibadda ee Somaliland isagoo si gaar ah ugu dheeraaday wada-hadallada hakadka ku jira ee xukuumaddiisu la leedahay Somalia, waxana uu dalbaday in la ballaariyo gogosha wada-xaajoodka isagoo si adag u sheegay in qaddiyada Somaliland tahay mid lama taabtaan ah, isla-markaana aanay qayb ka ahayn maamul-goboleedyada Somalia ka jira.

"Waxanu dardargelinaynaa ambo qaadkii wada hadallada Somaliland iyo Somalia, waxana aanu ku baaqaynaa in gogosha la ballaariyo, dalal la isla gartayna ay goob joog ka noqdaan, dhinaca kale waxanu soo dhaweynaynaa dedaallada beesha caalamku ugu jirto sidii Somalia nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla-markaana dawlad adag looga dhisi lahaa dabayaaqada 2016-ka,"Ayuu yiri Siilaanyo.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu khudbadiisa si gaar ah ugu soo qaatay muranka saamaynta yeeshay ee u dhexeeya Dawladaha Iran iyo Sucuudiga, waxuuna si weyn u cambaareeyey dhaqdhaqaaqyada xukuumadda Tehran ku hawllan tahay oo uu sheegay qaar kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah.

“Waxanu cambaaraynaynaa falkii foosha xumaa ee safaaradda dalka Sucuudigu ku lahayd dalka Iran lagu gubay, taas oo ahayd mid  ka dhan ah milgaha diblomaasiyadda dunida kana soo horjeedda shuruucda caalamiga ah, xukuumadda Somaliland waxa ay si weyn uga soo horjeedaa xasilaani darrada Iran ka waddo mandaqadda Bariga dhexe iyo marin-biyoodka badda cas, waxana aanu si buuxda u garab taaganahay mawqifka ay dawladaha jaamacadda carabtu arrintan ka qaadeen,”Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu khudbadiisa kaga hadlay Qiimo dhac baaxad leh oo ku yimi shilinka Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay qoddobo dhawr oo ay xukuumaddiisu ku gudo jirto, isagoo xusay inay dhawaan tallaabooyin qaadi doonaan.

"Waxa hubaal ah in lacagteenii  uu ku yimi qiimo-dhac, kadib markii uu suuqa iyo sayladaha ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaad, taasina waxa ay keentay in isticmaalkii lacagteenu soo ururto, haddaba si aynu uga badbaadno dhibaatooyin  siyaasadeed, dhaqaale iyo inay lacagteenu sii qiimo beesho, waxa xukuumaddayda ka go’an tallaabooyin ay kamid yihiin, inaanu suurtogelino in lacagta Somaliland noqoto cumladda rasmig ah ee wax lagu kala iibsato, waxa waajiba ah in bulshada wax kala iibsataa ku kala iibsato lacagteena,”Ayuu yir Siilaanyo.

Khudbadda madaxweynaha oo ahayd mid ballaadhan, isla-markaana dhinacyo badan taabanaysay, ayuu madaxweynuhu ku sheegay inuu arrrimaha ammaanka wax weyn ka qaban doono, isagoo sidoo kalena tilmaamay in dhanka Garsoorka ooh ore looga caban jirey oo wax badan ka qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu dhinaca maamul wanaagga horumar ka sameeyey intii uu xilka hayey.

Mudane Siilaanyo waxa uu ka hadlay iibka Hantida qaranka oo xukuumadiisa si weyn loogu dhaliilo, waxana uu tilmaamay inuu arrintaas madaxweyne ahaan arrintaas xaq u leeyahay, isagoo xusay in lacagta kasoo xaroota dalka wax loogu qabanayo oo miisaaniyadda lagu daray.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu muhiimadda koowaad siiyey danta guud, sla-markaana danta gaarka ah iska ilaaway, waxana uu xusay inaanu waligii hanti umaddi leedahay qaadanin, kuna fikirin inuu cid wax gacan togaalaysa wakiisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM