Madaxweynaha Soomaaliya oo dagey Xero Ciidan [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomalaiya - Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqdey July 19, 2018 ayaa kulamo la qaatey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha aqalka wakiilada iyo madax ka tirsan hay’adaha amniga.

Farmaajo ayaa sida Warsidaha Garowe Online ogaadey markii uu dib ugu soo noqdey Muqdisho dagay xerada ciidamada ee loo yaqaan General Gordon oo ku taalla Warshadii hore ee Caanaha. 

Xerada General Gordon oo lagu tababaro ciidamo ayaa waxaa dhismayaal iyo dayac tir ka sameysay dowlada Imaraadka Carabta, oo askar badana halkaasi tababar ku siiyay, kahor inta aysan xukaamaan xiriirkeeda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogo lagu kalsoon yahay oo uu helay Garowe Online ayaa sheegaya in sarakisha Villa Soomaaliya ay shaki ka muujiyeen amniga Madaxtooyada kadib weerarkii Al Shabaab 14-kii bishan ku qaadey koonataroolada laga ilaaliyo aqalka looga arimiyo dalka.

Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa rumeysan in weerarkii lala beegsadey baro kontrool oo ku dhow Villa Soomaaliya loo wadey Madaxweyne Farmaajo oo halkaas marey saacado kahor isagoo ku sii jeeda Brussles.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan uu la qaatey Gudoomiyaha aqalka hoose ee Baaarlamaanka kala hadlay sida uusan ugu Farxin xiritaanka Kalfadhiga Gollaha wakiilada isaga oo aan waqtigiisa dhameysan.

Villa Soomaaliya ayaa kala kulantey eedeymo badan siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwasoo  sheegey in golaha fulinta hagayo go’aanada Hogaanka golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhankiisa cabasho ka muujiyey shaqo joojinta lagu sameeyey labo ku xigeen oo ka tirsan hay’ada sirdoonka isagoo sheegey in aan lala socodsiin, warka xil ka qaadistana ka maqley saxaafada.

Afhayeenka aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku-sime ka ahaa xilka Madaxweyne tan iyo intii Madaxweyne Farmaajo safarka ugu maqnaa dalka Belgium.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa culeys weyn ka haya sidii ay dib u dhis ugu sameyn laheyd Hay’adaha amniga madaama madaxda sare ee Villa Somalia isku aragti ka aheyn wadada loo marayo. 

Ra’isal wasaraha Soamaaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku aragti aan ka aheyn qaabka loo marayo isbadalada la damacsan yahay In lagu sameeyo Hay’adaha amniga sida ilo aad uga warhaya xaaladaan u sheegeen warsidahaan.

Yaxye Cali Ibraahim oo horey u ahaan jirey xoghayaha Wasaarada arimaha gudaha haddana ka shaqeeya xafiiska Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa qayb weyn ka yahay siyaasadaha amniga uu ku shaqeynayo Xasan Cali Khayre.

Sarlkaan oo isku beel yihiin Ra’isal wasaare Khayre ayaa waxaa si gaar ah ugu lug leeyahay maamulka ciidmada xasalinta Muqdisho gaar ahaan dhaqaalalhooda isagoo noqdey ninka ugu awooda badan xafiiska Wasiirka Kowaad ee xukuumada.

Kulankii Madaxweyne Farmaajo la qaatey Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay In la furo jidadka magalaada Muqdisho balse la adkeeyo dhamaan waydiiyoonka Yar Yar ee soo gala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka yimaada xaalada Wardhiigley, Howl-wadaag iyo Boondheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM