Farmajo oo u safray Qadar xilli madaxda maamulada shir uga furmayo Baydhabo

Image

DOHA- Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u ambabaxay maanta oo Axad ah magaalada Doha ee caasimadda dalka Qadar, xilli dowladiisa Khilaaf uu kala dhaxeeya dalka Imaaraadka.

Safarkaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliya agaasimhisa Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo xiriir dhow leh dowlada Qadar, waxaana booqashada Farmaajo ee Doha ay qaadan doontaa mudo labo maalmood ah.

Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa kula Kulmi doona Amiirka dalkaas Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani maalinta berri ah halka la yiraahdo Amiri Diwan si ay uga wadahadlaan arimo khuseeya labada dal.

Madaxwynaha booqashadiisa ayaa imaaneysa xilli uu aad u xumaadey xiriirka u dhexeeya wadanka Imaraadka Carabta iyo dowlada Federalka Soomaaliya.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Doha ayaa imaaneysa xilli maanta magalada Baydhabo isugu tagayaan madaxda maamul goboleedyada kuwasoo ka wadahadli doona khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka iyo sida saameynta siyaasadeed ugu yeeshay geedi socodka dib u dhiska dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka, mowqifkaas oo ka careysiisyey xulifada Sucuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM