Madaxweyne Farmaajo oo safar Deg Deg ah ugu ambabaxaya Masar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in todobaadkan uu u ambabaxo dalka Masar, oo ka furmayo Shir ay isagu imaanayaan shan hogaamiye oo katirsan Qaaradda Africa.

Madaxweyne Cabdifitaax Al Siisi ayaa martigelinaya Shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga kaasi oo todobaadkan ka furmaya magaalada Xeebta ku taalla ee Sharm El Sheikh.

Mudane Farmaajo ayaa qeyb ka ah hogaamiyaasha lagu casuumay Shirka, kuwaasi oo kala ah Madaxweyniyaasha Ivory Coast, Rwanda, Guinea iyo Jaziirada Comoros.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeybgalaya Madaxweyne ku xigeenka Nigeria, Ra'iisul Wasaaraha Mozambique, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya iyo madax kale oo ka socda Qaaradda Africa.

Hal-kudhagga Shirka waxa uu yahay "Dhiiri-gelinta Maalgashiga Africa iyo kobcinta wadajirka ah ee Dhaqaalaha" waxaana hogaamiyaasha diirada saari doonaan in la abuuro Ganacsi xor ah oo isaga kala gudba xuduudaha dalalka Qaaradda.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu Kulan gaar ah la qaato Al Siisi inta uu socdo Shirka, iyagoo kawada hadli doono arrimaha xiriirka labada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya.

Siisi ayaa ka shaqeynayey in muddo ah sidii dowlada Soomaaliya u hagaajin laheyd xiriirka ay leedahay wadamada Imaraadka iyo Sucuudiga kadib markii Villa Somalia ka qaadatey mowqof dhexdhexaad ah khilaafka u dhexeeya wadamada khaliijka

Waa booqashadii labaad oo Farmaajo ku tago Masar tan iyo August, oo kamid ah dalalkii xiriirka u jaray Qadar bishii June, iyadoo dowladda Federaalka xiisadadda Khaliijka ka qaadatay go'aan dhex-dhexaad ah, kaasi oo culeyska kala kulmayso.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM