​Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Sacuudiga

Image

MQUDISHO, Somaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya, Maxamed Cabdullaahii Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan Madax kala duwan, oo katirsan Labada Golle ee dowladda, ayaa ka dhaafay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda magaalada Jeddeh.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ee Sacuudiga, ayaan wali la shaacin, balse Wararka hoose oo uu Warsidaha Garowe Online ka helayo Villa Somalia, ayaa sheegay in Farmaajo uu soo dhamaystiri doono heshiisyo qabyo ah, oo bishii February lasoo saxiixday Boqor Salman Bin Cabdicasiis.

Waa Socdaalkii 3aad oo Madaxweyne Farmaajo ugu ambabaxo dalka Sacuudiga tan iyo markii la doortey bishii February, ee sanadkan 2017-ka, waxaana safarkan uu kusoo aadayaa xilli dowladdiisa iyo qaar kamid ah maamul goboledyada ku kala qeybsameen Khilaadka Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM