Madoobe: Madaxda Somalia way fashilmeen

Image
"Qofku inuu sheego inuu ku fashilmay arin Somalia dan u ahayd ceeb ma aha"

KISMAYO- Maamulka Jubaland ayaa saluug ka muujisey go'aankii ka soo baxay shirkii madasha wada tashiga ee looga hadlayey aayaha Somalia oo ku soo dhamaaday magalada Muqdisho kasoo lagu go’aamiyey nooca doorsho ee dhacaysa dabayaaqada sanadkan 2016-ka.

Madxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay magalada Kismayo kadib markii uu ka qayb galay shirkii sedaxda maaalmood Muqdisho uga socday hogamiyaasha Somalia ayaa sheegay in shirkii madasha wada tashiga aayaha Somalia faashil ee Kismayo fashil ku dhamaadey. 

“Haddii aan nahay hogaamiyaasha Somalia inagoon waxba ku heshiin ayaan kala tagnay” sidaa waxaa yiri Madaxwaynha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna intaa ku daray “waan guul daraysaney iyadoo ay fursad na siiyeen madaxdii ka socotey Beesha caalamka oo aan anigu u aqaan beesha lixaad"

Axmad Madoobe ayaa sheegey in kulankii Muqdishu la qaatey go'aankii dowlada Federaalka oo uu wakiil u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirshiid..

Axmed madoobe waa uu sii hadlay oo wxa uu yiri. “hadaan nahay reer Jubaland kuma aanaan guulaysan in la qaato waxaan meesha la tagnay oo ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulo qaab Deegan iyo in aqalka sare lagu soo xulo 18-kii  gobol ee Soomaaliya”.

“Haddaan nahay hogaamiyasha Soomaliya waa inaan qiranaa guuldarda nala soo gudboonaatey” waxa uuna sii daba dhigay in dhowaan ay qaadi doonaan duulaan ka dhan ah Al shabaab oo qabsaday goobihii ay ka baxeen ciidamda dowlada Kenya.

Hadalka madaxweynaha jubaland ayaa ku soo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in wafti uu hogaaminayo ku soo aadan yihiin Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali  oo maalintii shaley soo gaarey magaalada Bosaso ayaa warsaxafdeed uu siiyey saxaafada aan ku sheegin in wafti ka socda dowlada Federaalka ku soo wajahan yihiin Puntland.

DHAGEYSO:  GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM