Magacaabidda xukuumadda cusub: Saddex xulasho oo hortaala Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay waxaa si aqlabiyad leh codka kalsoonida ku siiyey Golaha Shacabka, taasoo la macno ah in uu kusoo dhisi doono xukuumad cusub muddo 30 casho ah.

Rooble oo xafiiska joogaya waxyar ka yar shan bilood ayaa xusay in Wasiiradiisa ay ahmiyada koowaad siin doonan sideed qodob oo ay ugu mudan yihiin; ammaanka, doorashada, qabyotirka dastuurka iyo la dirirka musuqa.

Shaqada uu isku diray 57-jirkaan haysta dhalashada Sweden waxaa saddex sano iyo bar ku qaban-weyday xukuumadii Khayre ee Aqalka Hoose riday laba bilood kahor "kadib markii ay ku fashilantay gudashada waajibaadkeeda".

Dad badan ayaa is-waydiinaya qaabka ay ugu suurtagaleyso Rooble in uu dhamaan qodobadaan kuwada guuleysto, halka qaar kalana ay sheegayaan in ay ku xirnaan doonto hadba nooca xukuumadda uu soo magacaabo.

Wasiirka koowaad ee federaalka waxaa hortaala in xukuumadda uu soo dhisi doono uu ku saleeyo saddex xulasho oo ah tan kaliya ee hortaala. Mid walba oo kamid ah xulashooyinkaan waxay leeyihiin caqabado iyo fursado.

In uu soo celiyo wasiirada xilka sii haya: Tani waxay ka qeyb-qaadan kartaa in shaqada sii socota maadaama ay og-yihiin duldalooda jira. Balse, dadka duraya waxay tibaaxayaan in yihiin kuwa la tijaabiyey oo guuldareystay.

In uu soo xulasho xubno "karti leh": Rooble wuxuu fursad u haystaa, hadii uu u madax-banaan yahay, in uu golahiisa kusoo daro shaqsiyaad uu u arko in ay la shaqeyn karaan. Tifka kaliya ee loo yeeli karo waa in waqtiga ciili karo.

Xukuumad wadaag ah: Tani waxaa macnaheedu yahay in uu soo dhiso xukuumad laga talogeliyo dhinacyadda ay khuseyso sidda maamuladda, xisbiyada mucaaradka iyo Ururada Bulshadda Rayidka, sida shaqada ugu fududaato.

Inta badan xukuumadihii lasoo dhisay Soomaaliya mudada kala guurka waxa ugu badan ee ay ka shaqeeyeen waxay ahayd doorashooyinka iyaddoo madaxda xilka haysa isku dayday in ay isku jimeeyeen coddeynta, balse way ku adkaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM