Magacyadda dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee hotel SYL

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimashadda weerarkii ay Al-Shabaab fiidnimadii Talaadada ku ekeysay huteel SYL ee magaaladda Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in shan qof ay ku geeriyoodeen weerarka. Laba kamid ah dadkan dhintay ee la xaqiijiyey waa askar, laba kalena waa shacab iyo hal garsoore.

Hase ahaatee, xiriiro iyo baaritaan uu sameeyay Garowe Online ayaa natiijada kasoo baxay uu muujinayaa in khasaaruhu intaas ka badan yahay, wallow aan wali la ogaan tiradda dhabta ah.

Dadka la hubiyey in ay ku naf-waayeen weerarka ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin;

Cabdulqaadir Cumar Cabdi, oo ahaa Garsoore ka tirsanaa Maxkamadda Racfaanka

Maxamuud Ismaaciil Warsame Muuf, oo kamid ahaa saraakiisha ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Muuf oo kamid ahaa saraakiishii ugu horeyay ee huteelka la gashay ayaa sanadihii u dambeeyay la shaqeynayey madaxdii soo martay dalka.

Dhinaca kale, tiradda dhaawaca oo laamaha ammaanka shaaciyeen in ay gaareyso in ka badan 10 ayaa waxaa ku jira;

Cabdixamiid Cabdikariin Xuseen, guddoomiye ku xigeenka dagmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Marka laga soo tago sheegashadda hay'addaha nabad-gelyadda, Al-Shabaab waxay soo bandhigtay tirro intaan ka badan. Dhimashadda waxay ku tilmaamtay 25, dhaawacana 39 xubnood.

Warbaahinta taabacsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lagu soo bandhigay magacyadda dadka ay ku sheegeen mas'uuliyiin, shaqaale dowladeed iyo saraakiil dowladda ka tirsan.

Weerarka Huteel SYL oo ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, dhowr tilaabo-na u jira hoyga madaxweyne Farmaajo waxaa fuliyey shan dabley kuwaas oo dhamaantooda ay ciidamadu toogteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM