Maraykanka oo duqayn cirka ah ku qaaday Shabeellaha hoose

Image

Talaado, September 2, 2014 [GO] Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay shalay galinkii danbe inay duqayn cirka ah ku qaaday xarun Saraakiil Al-Shabab ka tirsan ku shirayeen oo ku taala duleedka Baraawe iyadoona duqayntaasi ay gaysteen diyaaradaha aan cidna wadin ee loo yaqaan drones-ka.

Afhayeen u hadlay wasaradda Gaashaandhigga Maraykanka John Kirby ayaa sheegay inay soo bandhigayaan khasaaraha uu weerarku gaysay balse waxa uu cadeeyay inay weerarkan fuliyeen.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya duqayntaan inuu ku dhintay Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale balse ilaa iyo hada xog faah faahsan arrintan lagama hayo.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur ''Siidii'' ayaa BBC u sheegay weerarkan in lala beegsaday hoggaamiyaal Al-Shabab ka tirsan kuwaasoo ku shirayay xarunta la weeraray.

Siidii ayaa sheegay kooxda Al-Shabab inay dhibaato u gaysteen qaar ka mid ah shacabka Baraawe ee isticmaala taleefoonka gacanta maadama uga shakiyeen inay arrintaan lug ku lee yihiin.

Howlgalka Badweynta hindiya ayaa ku wajahan magalada Baraawe oo ah xarunta ugu wayn ee Al-Shabab kusoo aruurtay waxana Gobalka Shabeelada hoose laga dareemayaa dadaalada kooxda lagu baacsanayo.

Al-Shabab ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay gacanta loogu dhigay magaalooyin muhiim ah.

Docda kale howlgal kan la mid ah ayaa ka socda qaybo ka mid ah Gobaladda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Weerarkan cirka ah ee lala eegtay dagaal yahano Al-Shabab ka tirsan ayaa imaanaya maalin ka hor markii xoogag ururkan ka tirsan ay weerar hubaysan ku qaadeen xabsiga Nabad sugidda Muqdisho ee Godka Jilicow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM