​Maraykanka oo ka hadlay guusha Farmaajo ee doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa looga hadlay doorasho xalay lagusoo gabo-gabeeyay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, taasoo guushu ku raacday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar soo noqday Ra'isal wasaaraha dalka.

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay doorashadaas oo ku tilmaamay mid ku dhacday si xalaal iyo xornimo ku jirto iyagoo ballanqaaday inay la shaqayn doonaan xukuumadda cusub ee imaan doonta.

“Dowladda Maraykanka waxa ay rajaynaysaa in ay si dhow ula shaqasyo madaxweynaha cusub iyo xukuumad-da la soo dhisi doon , isla markaana ay wax ka qabtaan dib u heshiisiinta ,abaarta amniga iyo waliba hay’adihii kale ee dowliga lahaa si loo gaaro maamul wanaag iyo horurmar," Ayaa la raaciyay qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale hambalyo loogu diray shacabka Somaliyeed oo lagu ammaanay sida ay ula shaqeeyeen laamaha amniga islamarkaana taageerada ugu muujiyeen madaxweynahooda cusub iyagoo guul uga rajeeyay inay ku qaataan waqtiyada soo socda.

“Waxaa dowladda Maraykanka ay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaysaa in la soo gaba-gabeeyay ololihii dooraashada si lamid ah waxaan Maxamed Cabdulahi Farmaajo ugu hambalyaynaynaa in uu noqday madaxweynaha cusub ee dalka," Sidaas waxaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Laamaha amniga ee sugayay nabadgalyada goobaha doorashada ayaa qoraalkaas lagu ammaanay iyagoo lagu dhiirigaliyay sida ay u suuro galiyeen in doorasho ka dhacdo magaalada Muqdishu oo intabada weeraro ka gaystaan kooxda Al Shabaab.

“Waxaan ku amaanaynaa ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika dadaalkii ay bixiyeen lixdii bilood ee la soo dhaafay .kuwaasi oo suurta-galiyay in doorashadu ay si xasilooni ah u dhacday," Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maraykanka.

Soo dhaweynta xukuumadda Washington, ayaa imaanaysa xilli ay horay beesha caalamku u sheegtay inaysan la shaqayn doonin xukuumad kusoo baxda qaab musuq-maasuq ah, waxaana tallaabadan ka dhigtahay in doorashadii 08 February ka dhacday Muqdishu ay ahayd mid si xalaal ah u qabsoontay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM