Mareykanka oo baaq kasoo saarey doorashada maamulka Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale caddeysay aragtideeda ku wajahan doorashadda madaxtinimada Galmudug.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in ay si dhow ula socdaan xaalada maamulkaas.

"Danjire Yamamoto iyo safaraada Mareykanka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdaan geedi u socodka Galmudug," ayay lagu yiri fariinta.

Bayaanka ayaa intaa ku daray "Waxaan qof walba ugu baaqeynaa in uu ka fogaado khataraha keeni karta rabshado, ayna sii wadaan ka qeyb-qaadashada wada-xaajoodyo nabdoon".

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo qorshuhu yahay in baarlamaanka ay aqoonsan tahay dowladda uu 2-da bisha Febraayo, 2020 uu madaxweyne ku doorto magaala madaxda Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo doorasho ku qabtay Dhuusamareeb ayaa madaxweyne u dooratay Sheekh Shaakir, halka Xaaf lagu doortay coddeyn ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Arrimahaan ayaa ka dhashay khilaaf muddo soo jiitamayey oo salka ku haya hanaanka loosoo xulay baarlamaanka labaad.

Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed mideysan kasoo saartay doorashadda dowlad goboleedka ayaa dhinacyadda ku waanisay in ay khilaafkooda ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa soo jeediyey in geedi-u-socodka doorashadda ay noqoto mid lawada ogol-yahay.

Murashaxiinta mucaaradka oo aan wali is-diiwaan-gelin ayaa xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay "maroor-satay" soo xulista Xildhibaanadda.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan "aqoonsan doonin" natiijo kasta oo doorashada kasoo baxda.

Wallow xukuumada Khayre ay dhismaha Galmudug midda ku howl-laneyd bilooyin, miradhalka wuxuu u muuqdaa "mid ka fog wixii laga filayey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM