Mareykanka oo "baaritaan ku bilaabay" dhaqaalaha Farmaajo

Image

NEW YORK, USA – Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan ku bilowday dhaqaalaha shaqsiga ah ee madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay daaha ka rogtay majaladda New York Times oo soo xigatay saddex mas'uul reer galbeed ah oo magacyadooda ka gaabsaday.

Sida ku xusan warbixinta, baaritaanka wuxuu sabab u ahaa in sanadkii 2019-kii uu Farmaajo dib isaga celiyo baasaboorka iyo dhalashadda dalka Mareykanka.

Hay'ada adeega dakhliga gudaha heer federal ee Mareykanka oo baaritaanka bilowday ayaan warbixinta lagu caddeyn in ay soo afjartay ama in ay waddo.

"Xafiiska Mr Maxamed kama jawaabin su'aallaha ku saabsan baaritaanka Internal Revenue Service [I.R.S.]," ayay majaladda ku dartay warbixinta ay qortey.

Qadiyadan ayaa soo ifbaxeysa iyaddoo Soomaaliya ay wajaheyso qalalaase doorasho isla markaana maamulka waqtiga ka dhacay ee Mareykanka uu wajahayo hanjabaadyo ku saabsan cunaqabateyn haddii doorasho qaban waayo.

Maxamed wuxuu tagay Mareykanka sanadkii 1985 isagoo ah diblomaasi yar oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya. Maadaama dalka uu colaadda galay, wuxuu go'aansaday in halkaasuu sii joogo. Warar ayaa sheegay in marka hore uu magangalyo siyaasadeed ka dalbaday Canada, halkaasoo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalihiis, markii dambena uu qaatay baasaboor waddankaas.

Hasa ahaatee horaantii 1990-meeyadii, Maxamed, oo xilligaas aqal-galay ama guursaday, wuxuu dib ugu noqday Mareykanka halkaas oo ugu dambayn qoyskiisu degeen si gaar ah Grand Island, oo kaabiga ku haysa Buffalo iyo Niagara Falls.

Taariikhda ayuu ka bartay Jaamacadda Buffalo, kadib muwaadin Mareykan ah ayuu noqdey. Wuxuu Jamhuuriga musharraxa ugu noqdey doorashooyinka gobollada. Sanadkii 2002, wuxuu shaqo ka helay Waaxda Gaadiidka ee gobolka New York.

Taliska Farmaajo iyo Mareykanka ayaa haatan madaxa iskula jiray waxaana Washington ay ku cadaadineysaa in uu dalka geliyo doorasho isla markaana uu meesha ka saaro qorshaha mucaaradka ku eedeynayo ee ah kursi isku dhejinta.

Mareykanka oo kamid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn Soomaaliya ayaa dalkan kasoo kabanaya colaada wuxuu ka caawiyaa la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, xoojinta nidaamka federaalka, mashaariicda horumarinta, kobcinta nidaamka dowladnimadda iyo soo celinta xasiloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM