Mareykanka oo duqayn is-difaacid ah ka fuliyey Soomaaliya

Image

KISMAAYO - Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey shalay oo Jimco ahayd Kolanyo ay la socdeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykan ah oo mareysay degaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxey Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka kadib ay fuliyeen duqeyn dhanka cirka ah, taasoo ciidamada dhulka lagu weeraray looga difaacay Al Shabaab.

AFRICOM ayaa tilmaamtey in duqaynta is-daafacidda ah lagu dilay 18 Al-Shabaab ah, iyadoo is-rasaasaynta ay ku dhinteen Labo kale, sida lagu xusey war-saxaafadeedka, kaasi oo nuqul kamid ah uu arkey warsidaha Garowe Online.

"Ciidamada Mareykanka ayaa ka fuliyey Soomaaliya duqayn is-daafacid ah, kadib markii lasoo weeraray. 18 kamid ah Argagxisada Al-Shabaab ayaa lagu diley. Ciidamada Soomaaliya ayaa is-rasaasayn ku diley Labo kale," ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Duqayntaan ka dhacday duleedka Kismaayo, ayaa noqoneysa tii labaad bishaan ka fuliyo Soomaaliya xili midii hore ay diyaarado ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose, 11-kii bishaan, taasoo lagu dilay labo Al Shabaab kamid ahaa.

Mareykanka ayaa labo Askari looga dilay 2017-2018 degaanada Bariire [Shabeellaha Hoose] iyo Sanguuni [Jubbada Hoose], xilli Trump uu amray in la kordhiyo weerarada duqeymaha Soomaaliya, ee lagu beegsanayo kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaalaysa soo celinta Kalsoonida deeq-bixiyeyaasha Caalamka

Si looga hortago carqalad ku timaadda gaarsiinta gargaarka, dowladda ayaa sheegtay in WFP loo qoondeeyay bakhaar cusub.

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 12:49PM

Uganda oo ku dhawaaqday ka bixitaanka Soomaaliya kadib  howlgal qaatay ku dhawaad 20 sano

Uganda ayaa ahayd tiir-dhexaad ka mid ah dadaallada caalamiga ah ee nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2007.

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 08:29AM