Mareykanka oo Duqeyn cirka ah ka fuliyay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa sheegay in weerar cirka ah ay ka fuliyeen Khamiistii lasoo dhaafay duleedka magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday meel 30 Mile Muqdisho uga beegan Koonfur Galbeed lagu dilay 12 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in wax khasaaro ah uusan shacabka kasoo gaarin howlgalka military, kaasi oo noqonayo kii 15aad oo ka dhaca Soomaaliya tan iyo intii uu billowday sanadkan 2018-ka.

Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan Ciidamadiisa duqeymaha noocan ah, ee lagu difaacayo muwaadiniintiisa sidoo kalena lagu wiiqayo khatarta argagaxiso ee uga soo wajahan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyay Maarso 2017 fasax ay Ciidamada Mareykanka ku kordhinayaan weerarada lagu beegsanayo Kooxaha argagaxisada Soomaaliya [Al-Shabaab iyo Daacish].

Dowladda Soomaaliya kama hadasho duqeymaha Mareykanka kuwaasi oo qaarkood khasaaro lixaad leh kasoo gaara shacabka ku nool goobaha Shabaab ay xukunto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir gaar ah oo doorashadda ku saabsan ku qabanaya Muqdisho

Khilaafka ka dhex jira maamulka Jubaland iyo Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ah mid sii murjeynaya wadahadalada siyaasadeed.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 02:19PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu waramay inuu shuruud ku xiray booqashadiisa Laascaanood

Mas’uuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 12:49PM