Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Somalia

Image

JILIB, Somalia - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in labo weerar oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Koonfurta Somalia, iyadoo duqeyntan nonayso midii 8aad tan iyo markii uu billowday sanadkaan 2019-ka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay duleedka degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe.

AFRICOM ma sheegin tirada Al-Shabaab uga dileen duqeymaha, balse waxay xaqiijisay in uusan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka kasoo gaarey howlgalkan.

Sabtidii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa sheegay in 52 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab lagu dilay duqeyn lala eegtay gaari ay la socdeen oo mareyay meel ku dhaw degmada Jilib.

Duqeynta ayaa dhacday wax yar kadib markii Al-Shabaab weerar ku qaadey saldhig ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Mareykanka ku leeyihiin degaanka Sanguuni, oo qiyaastii 50-KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyay amar lagu kordhinayo weerarada ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ee ku sugan Somalia bishii Maarso ee sanadkii 2017-ka.

In ka badan 500 oo Askari oo American ah ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Somalia, kuwaasoo saldhigyo ku leh gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, gaar ahaan duleedka Kismaayo iyo Balli-Doogle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM