Mareykanka oo duqeyn isaga caabiyey weerar uga yimid Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shaaciyey in duqeyn dhinaca cirka ah oo Axadii uu ka fuliyey tuulada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose uu ku beegsaday Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, duqeynta ayaa ka dambeysay markii ciidanka Soomaaliya oo howlgal ku jiray ay duulaan gaadmo ah kala kulmeen dagaalamayaasha Shabaab.

AFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeyntaasi ay ku dishay saddex kamid ahaa maleyshiyaadka gacan-saarka la leh Al-Qaacida, wallow aysan kala caddeyn hadii ay ku jiraan saraakiil sar-sarre.

Gregg Olson, agaasimaha howlgalada AFRICOM ayaa ku nuux-nuux saday in duqeynta geysteen ay muujineyso "sida ciidanka Soomaaliya ay kaalin wayn ka ciyaarayaan burburinta Al-Shabaab".

"Duqeymaha aan ku taageereyno Soomaaliya waan sii wadi doonaa inta laga ciribtirayo shabakada argagixisada ah," ayuu hadalkiisa ku daray Gregg, sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamida lasoo gaarsiiyey Garowe Online.

Dhinaca kale, taliska AFRICOM wuxuu ku adkeysatay in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey howlgalkaasi dhinaca cirka ah. Balse, mararka qaar gulufyada ay qaadaan rayid ayaa wax ku noqda.

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada milatariga Mareykanka oo kasoo baxay dhinaca xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi ay la kulmeen markii ay kasoo laabteen howlgal ay ku qaadeen xabsi ay degaanka Doonburaale oo 30 KM u jira degmada Qoryoolay ku leedahay Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga dowladda oo ay wehliyeen kuwa cadaan ah ay kasoo furteen saldhigaasi maxaabiis, kuwaasi oo qaarkood lasoo wariyey in ay horey u wateen ciidanka huwanta ah.

Tan iyo bilowgii sanadkaan, Mareykanka ayaa ka fuliyey Soomaaliya in ka badan 30 duqeymo, taasi oo ka dhigan in ay tahay sare u kac wayn marka loo eego sanadkii hore oo tiro intaasi ka yar uu qaaday.

Arrintaasi ayaa kusoo beegmeysa xili madaxweyne Donald Trump uu siiyey ciidamada Mareykanka in ay fulin karaa howlgalo madax banaan, iyada oo kaashanaya dhigooda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM