Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay Somalia markii ciidankiisa lagu weeraray

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika, AFRICOM, ayaa sheegay in duqayn ay ka fuliyeen degaanka Araare ee gobolka Jubada Hoose shalay oo Sabti ahayd ay ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.

Weerarka cirka ah ayaa ka dambeeyay markii rag hubeysan oo ka tirsan kooxda xiriirka la-leh Al-Qaacida ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada ku leeyihiin aggaasi, iyadoo ay usoo gurmatay diyaarad militeriga Mareykanka uu leeyahay.

Duqayntaan ayaa noqoneysa tii 27aad oo uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya kaliya sanadkan gudihiisa, kuwaasi oo ay inta badan ku beegsaday Al-Shabaab-ka ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

In ka badan 60 dagaalame oo Shabaab ah ayaa lagu dilay duqayntii ugu dhimashada badneed oo uu Mareykanku ka fuliyo dalka 2018, taasi o oo ka dhacday meel ku dhow degmada Xarar-dheere ee gobolka Galgaduud, bishii hore.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqaynta aysan waxyeelo shacab geysan, xili ay meesha ka saartay in iska hor-imaadka uu ku waxyeeloobeen Askar Mareykanka ah.

In ka badan 500 askar ah ayaa la rumeysan yahay inay Mareykanka ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan Saldhigyo qarsoodi ah, halkaasoo uu tababaro ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaalida, sidoo kalena ka abaabula duqeymaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM