Mareykanka oo ka warbixiyey duqeymo uu ka fuliyey Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Axadii, 29-ka December, 2019, uu saddex duqeyn ka fuliyey koonfurta Soomaaliya.

Laba kamid ah duqeymaha oo laga soo wariyey degaanka Kuunya Barow ayaa lagu khaarijiyey afar dagaalame, waxaana lagu burburiyey laba gaari.

Sidoo kale, duqeynta saddexaad oo laga fuliyey tuulada Cali Barow ayaa lagu naf-gooyey laba kamid ah maleeshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaaicda.

Labada goobood ee duqeymaha ay ka dhaceen ayaa hoostaga gobolka Shabeellaha Hosoe ee ka tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in duqeymahaan xubnaha lagu khaarijiyey ay kamid yihiin "horjoogeyaal sarre".

Dhinaca kale, Al-Shabaab wali kama jawaabin sheegashada howlgaladan ay si wadajir ah u fuliyeen Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Duqeymahaan ayaa u muuqanaya kuwa looga jawaabayey qaraxii Ex-kontarool Afgooye ee lagu dilay ku dhowaad 100 ruux oo arday Jaamacadeed u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM