Mareykanka oo war kasoo saarey weerar ka dhacay Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa sheegay sabtidii shalay in duqeyn ay ka fuliyeen meel ku dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen 52 xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.

AFRICOM oo dusha kala socota howlgallada militeriga Mareykanka ee Africa ayaa qoraalka ku sheegtay in duqeynta ay jawaab u ahayd weerar culus oo Al-Shabaab ku qaadey saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

Degmada Jilib oo 370-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ayaa ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ku leedadahy Somalia, kuna sugan yihiin hogaamiyeyaal sare.

Sawirro ay aragtay Reuters ayaa muujiyay gaari gubtey oo dhinacyadiisu yaallaan meydad badan, kadib duqeynta diyaaradaha Mareykanka.

Militeriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerarkooda uusan khasaaro gaarsiin shacabka.

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarka Sanguuni, iyadoo war ay soo saartey ku sheegtay inay ku dishay 41 Askari oo ciidamada dowladda Somalia katirsanaa iyo inay la wareegtay saldhigga.

Dhanka kale, Jubbaland ayaa shaacisay in 77 Al Shabaab ah lagu dilay dagaal iska caabin ah oo ka dhacay degaanka, iyo inay ciidanka qabteen gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa, oo goobta lala damacsanaa.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya afar maalmood kadib markii Al-Shabaab ay weerartay Dusit D2 hotel ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu dilay in ka badan 21 qof, oo labo kamid ah Soomaali ahaayeen.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa ku qiyaastay tirada dagalyahanada Al-Shabaab guu ahaan inay gaarayaan inta u dhaxeysa 3,000 illaa 7,000 bishii August ee sanadkii 2018.

Xubnaha Daacis-na waxaa lagu qiyaasay 70 illaa 250, kuwaasoo xoogooda ku sugan gobolka Bari ee Puntland, waxaana aas-aasay 2015 C/qaadir Muumin oo horey Al-Shabaab uga soo goostay.

Mareykanka ayaa 2016 ka fuliyay Somalia 15 weerar, 2017 waxa uu geystay 35, iyadoo 2018 uu fuliyay 47 weerar, halka 2019 uu fuliyay 6 duqeyn.

Ciidamo lagu qiyaasay 500 oo Askari ayaa Mareykanka ka jooga Somalia, kuwaasoo lagu sheegay in kaalintoodu tahay la-talin iyo inay caawiyaan AMISOM iyo ciidanka dowladda Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM