Mareykanka oo weerar Cir iyo Dhul ah ku qaaday Saldhig Alshabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Danab, oo garab ka helaya kuwa Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan oo dhul iyo cir ah ka fuliyeen koonfurta dalka.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka oo isugu jira weerar dhanka cirka ah iyo midka toos ah lagu qaadey Saldhig ay xoogaga Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Basra oo ku yaala xuduudka goboladda Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online inay maqlayeen daryenka rasaas culus iyo midda fudud, waxayna tilmaameen in ciidamadda duulaanka soo qaaday ay wateen diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopters-ka.

"Ciidamo ajnabi ah oo Mareykan ah iyo kuwa dowladda ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhiga Al-Shabaab ee Basra. Weerarka wuxuu ahaa mid cirka iyo dhulka ah," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay qof magaciisa codsaday inaan la baahin.

Lama ogga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay howlgalka, inkastoo illo wareedyo dhanka amaanka ay xaqiijinayaan inay jirto khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey dhinacyadda dagaalku dhexmaray.

Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan Wasaaradaha Amniga iyo Difaaca wali kama aysan hadlin weerarka ciidamada Danab iyo kuwa Mareykan ah ku qaadeen maanta Saldhiga xoogaga Al-Shabaab ee degaanka Basra.

Xiriiro kala duwan oo uu Warsidaha Garowe Online la sameeyay maamulka Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe waxay xaqiijiyeen inay jirto duqaynta, laakiin ay dib kasoo bixin doonaan fahfaahinta ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Weerarka ayaa imaanaya xili degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka ay ka socdeen mudooyinkii dambe Guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-Shababa, kaasoo looga gol-leeyahay in Kooxdan looga saaro tuulooyinka ay maamusho.

Todobaadkii lasoo dhaafay, duqayn xoogan ay ka dhacday degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo lagu beegsaday Saldhiga Al-Shabaab ee halkaas, la tilmaamay in lagu dilay saraakiil sare oo kamid ahaa Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM