Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Image

MUQDISHO – Ciidamada Difaaca Masar ayaa go'aamisay inay degto dhowr saldhig oo istiraatiiji ah gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay qorsheynayaan in ay ka hawlgalaan ciidamadeeda qeybta ka noqonaya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Joogitaanka ciidamada Masar ayaa helay falcelin kala duwan, iyadoo dowladda Itoobiya ay ka muuqatay walwal ku saabsan sida ay u saameyn karto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Masar ayaa ku biiraysa dowladaha Itoobiya, Uganda, Burundi, Jabuuti, iyo Kenya ee ka hawlgala howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, iyadoo AUSSOM dhowaan hoos u dhigtay tirada ciidamada shisheeye, islamarkaana ku dhiirrigelisay ciidanka maxaliga ah inay amniga dalka la wareegaan.

Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay ka digayaan in dowladda Soomaaliya aysan weli awood buuxda u lahayn la dagaalanka Al-Shabaab, kuwaas oo marar badan weeraro ku qaaday saldhigyo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM