Mas'uul Farmaajo shaqada ka eryay oo xil sare loo magacaabay [Wareegto]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xil sare u magacaabay C/qaadir Nuur Jaamac oo dhawaan shaqadda ka eryay Madaxwayne Farmaajo.

Jaamac ayaa waxaa loo magacaabay Lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, sida laga soo xigtay wareegto kasoo baxday Mursal, taasoo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho.

Sidda ku cad digreetadda, Xoghayaha guud ee Gollaha Shacabka ayaa waxaa la faray inuu sida ugu haboon ku dhaqan-geliyo go'aanka magacaabista ee uu gaarey Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

C/qaadir Nuur Jaamac, ayaa waxaa Khamiistii lasoo dhaafay xilka qaadis ku sameeyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isaga oo ahaa Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Cabdulqaadir Nuur Jaamac, oo horey usoo noqday Ku xigeenka Taliyaha NISA

Xilka laga qaaday Jaamac waxaa loo dhiibay Fahad Yaasiin, oo Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana saameyn ku leh saaxadda iyo go'aanada Villa Soomaaliya, waxaana xilkiisa loo dhiibay ku xigeenkiisii hore Dr Aamina.

Waxa uu noqonayaa Jaamac mas'uulkii ugu horeeyay ee dowladda ka tirsan, kaasoo isaga oo xil ka qaadis lagu sameeyay hadana maalmo kadib loo dhiibay xil kale, maadaama xubnihii horey xilka qaadista loogu sameeyay aysan dib usoo laaban jirin.

Jaamac iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaaka ayaa la sheegay inay yihiin saaxiibo aad isugu dhow, iyagoo iskala soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, waxaana magacaabistiisa la fahansan inay tahay mid mudo laga soo shaqeeyay.

Xil magacaabista dowaldda Federaalka ee uu hogaaminayo Farmaajo ayaa waxaa wax la iska waydiinayaa qaabka xilalka loogu magacabo saraakiisha dowlada iyadoo maalintii shaley xillal loo dhiibey shaqsiyaad aan khibrad u laheyn arimaha amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM