Mas'uul lagu dilay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsaa Villa Soomaaliya ayaa lagu dilay xalay Muqdisho, waxaana dilkiisa uu noqonayaa dilal joogto ah oo ka dhacaya magaalada tan iyo markii ay dhalatay bisha Raamdan.

Mas'uulkaan oo Villa Soomaaliya ka ahaa gacan-yare dhanka Saadka Aqalka Madaxtooyada, ayaa dilkiisa wuxuu ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasoo dilka kadib isaga bax-sadeen goobta uu dilku ka dhacay.

Shaqsiga la dilay oo ay Shabaab magaciisa ku sheegeen Aweys Cumar Cabdi, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Ma jirto, wax war ah oo ku aadan weerarkaan oo kasoo baxay Xafiiska Khayre ama laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Dilkaan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo mudooyinkii udambeeyay ay caasimada ka dhacayeen falal ka baxsan amaanka, kuwaasoo ay sameynayeen kooxaha kasoo horjeedo dowlada ee AlShabaab iyo Daacish.

Amaanka Muqdisho ayaa inkastoo la adkeeyay mudooyinkii dambe, hadana waxaa tus-bax afka furtay ka noqday tan iyo markii la galay bisha Barakeysan ee Ramadan dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM