Mas'uuliyiin 'gabaad siiya' xubnaha Al-Shabaab kasoo goosta oo loo digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa magaaladda Baydhabo ka sheegay in ay jiraan mas'uuliyiin dowladeed iyo qabaa'ilo "gabaad siiya" xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Jeneraal Liibaan Aadan Yarow oo carabka ku adkeeyay in ay macluumaadkan ogaadeen kadib baaritaano dheeri oo ay sameeyeen ayaa wuxuu digniin culus hawada u mariyey dhinacyadda arrimahaan ku kacaya.

Shaqsiyaadka uu gudoomiyaha daboolka ka qaadey oo soo baxsada iyaga oo wata hubkooda kuna dega bulshooyinka ay kasoo jeedan ayaa ah kuwa aanan soo marin Wasaaradda Amniga heer Federaal ama mid Gobol.

"Qofkii lagu ak-arko ama gurigiisa ku haya qof Shabaab ah oo soo baxsaday oo aanan la diiwaan-gelin, wuxuu lamid yahay Al-Shabaab, waxaana laga qaadayaa talaabadii Shabaabka laga qaadi lahaa," ayuu yiri.

Degaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah gobolada ugu badan oo ay iska soo dhiiban dagaalameyaasha gacansaarka la leh xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

"Suurtogal ma noqoneyso in qofna la marsiiyo nidaamka Wasaaradda, midna aanan la marsiin oo uu albaabka kasoo galo aanan la aqoon inuu is-qarxinaayo, adna qabiilkaaga hayso, annaga keygaan haysaneynaa," ayuu xusay.

Gudoomiye Yarow oo xoojiyey tuhuno laga muujiyo xubnaha sheegta in ay Shabaab kasoo carareen ayaa ku waaniyey mas’uuliyiinta dowladda in ay marsiiyaan nidaamka sharciga, oo ay diiwaan-geliyaan si loo hubiyo.

"Markii ay hay’addaha amniga soo dhahaan qofkaasi waa lagu dhex-fasixi karaa bulshadda, hala sii daayo, waliba waxaa sii fiican in damaanad lagu qoro oo ah sarkaal ama Xildhibaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo Sii Xoogeysanaya, Halista Amniga Geeska Afrika 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu eedeeyay kooxda Xuutiyiinta — oo taageero ka hesha Iran.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 05:38PM

Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Geeridiisu waxay tahay khasaare weyn oo soo gaaray Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ilaahay ha u naxariisto.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 04:33PM