Mas'uuliyiinta dalka Mexico oo Soomaaliya ku daray "liis madow"

Image

NEW MEXICO, Mexico – Mas'uuliyiinta dalka Mexico ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu daray liiska wadamadda ay ka yimaadaan "qaxootiga gacansaarka la leh kooxaha argagixisada ah".

Machadka daraaseeya arrimaha socdaalka ee dowladda Mexico ayaa Sabtida maanta ah wuxuu soo bandhigay cilmi baaris uu wadday intii u dhaxeysay 2014-kii illaa iyo 2018-kii.

Hay'addan ayaa baaritaankeeda wuxuu ku saabsanaa soo galootiga xiriirka la leh kooxaha loogu argagixisada si gaar ahaan gal-dacwadeedka 19 qof oo ay dabagal ku sameysay.

Sidda ku xusan warbixinta, mudadaasi afarta sano ah tirro ka badan 490 qaxooti ayaa ku lug-yeeshay fal-dambiyeedyo.

Maxsuulka ayaa wuxuu muujinayaa in 41 kamid ah ay si toos ah cilaaqaad ula lahaayeen dambiyo aad u abaabulan.

"550 muhaajir waxay u qaabeysnaayeen dambiyo isku dabaridan ama kuwa salka ku haya argagixiso," ayay xustay hay'adda.

Xafiiska Hantidhowrka heer federaal ayaa tilmaamay in kaliya 2018-kii lasoo wariyey 164 kiis, kuwaas oo shan kamida looga shakisan yahay argagixisinimo iyo 14 muhaajiriin ah.

"Soo galootiga waxaa lala xiriiriyey dambiyo abaabulan, halka 144 kale ay horey u galeen dambiyo," ayay raacisay qormadda.

Dalalka ay kasoo jeedaan soo galootiga ku lug yeeshay dambiyadda ayaa kala ah; Soomaaliya, Pakistan, Bangladesh, Ethiopia, Yemen, iyo waqoyga America – gaar ahaan Guatemala.

Natiijadda ma aysan fahfaahin kooxaha lala xiriiriyey shaqsiyaadka, wallow Geeska qaaradda Afrika oo Itoobiya iyo Soomaaliya ay kaga jiraan ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Mexico, dal dhaca Waqoyga Ameerika oo dadkiisa lagu sheego 130 milyan, sohdina la leh Mareykanka, ayaa suuq u ah maandooriyeyaha caalamka, waxaana ka dhaca dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM