Maxaa diirada lagu saarey kulanka Axmed Madoobe iyo Yamomoto?

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 23-Jannaayo-2020 magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya mudane Donald Yukio Yamomoto.

Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Sidookale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka laga sifeyn karo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada xorta ee Jubbaland.

Ugu danbeyn safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Yamomoto ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la'aanta ee uga qeyb qaatey nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxtooyadda Jubaland + GO

Related Articles

Kala qaybsanaan Siyaasadeed oo sii Kordhaysa Kahor Doorashooyinka 2026 ee Soomaaliya

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ku dhowdahay in ay ka soo baxdo dowlad u dhow tahay mid laba waji leh.

  • Soomaliya

    01-11-2025

  • 07:53AM

Sweden oo lacag ku siisay Dowladda Soomaaliya si ay u aqbasho muwaadiniin lasoo masaafurinayo

Warbixinta DN ayaa intaas ku dartay in lacagtaasi ay maalgelisay saddex xil dowladeed oo ku jira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    30-10-2025

  • 06:59AM