Maxaa ka dhacay gegida diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka dhigay in maalintii shalay ahayd uu jahwareer badan ka jiray garoonka Muqdisho isla markaana uu si guud u dayacnaa ammaankiisa.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa tilmaamay in isku-dhexyaacaas uu jiray intii lasoo dhaweynayey madaxweyneyaasha dowladaha Jubaland iyo Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay u yimid caasimadda Soomaaliya ka qeybgalka wadahadalo xal-waara loogu goobayo arrimaha doorashooyinka dhamaadka sanadkan 2020.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa iska soo horumariyey ilaaladooda gaarka ah, kuwaasoo la wareegay guud ahaan ammaanka madaarka.

"Muqdisho markii aan maanta [Talaadadii] ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah".

"Ciidankii NISA, Haramcad iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii. Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen," ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa xusay: "Galabta [Talaadadii] Garoonka gacan ku hayn dawladeed kama jirin, waxaana masuuliyadeeda leh cidii sababtay in ciidanka dawlada laga aamin baxo".

Dhanka kale, Warsame ayaa kalsooni ka muujiyey in shirarka ay ka qeybgalayaan Deni iyo Axmed Madoobe ay noqon doonan miradhal.

"Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato ay saamilay muhiim ah miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin," ayuu hoosta ka xariiqay.

"Qolada u baahan in ay maanta cashar qaadato, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr Cabdiraxmaan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashooyinka Warsame oo kasoo baxay dhanka Hay'addaha ammaanka ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ciidamadda ammaanka ugu adeegsatay dano siyaasadeed gaar ahaan Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Gedo, waxaana arrimahaas ay burburiyeen kalsoonida lagu qabi karo askarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM