Maxaa ka jira in wasiir Cabdirashiid Janan loo dhoofiyey dal kale?

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa warar aan sal iyo baar lahayn ku tilmaamay in Cabdirashiid Janan uu ku sugan yahay Kismaayo, xarunta ku meel gaarka maamulkaas.

Cabdi Xuseen Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u waramay idaacadaha Muqdisho ayaa rajo fiican ka muujiyey in xaalada wasiirka ay cadaan doonto 24-ka saac ee soo aadan.

"Kismaayo waa degaankiisa hadii uu imaan lahaa ma aanan qarin lahayn. Kismaayo waxaa ku nool dadkiisa, balse wararkaas waa kuwa waxbo kama jiraan ah," ayuu yiri.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo "ka afduubatay" garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii August, 2020, ayuu tibaaxay in ay ka doonayaan in ay meel ku sheegto mas'uulka.

"Iyagga oo yiri waa dabiile ayaan ka rabnaa meesha uu joogo. Kismaayo ma joogo dooninna ma aysan keenin," ayuu xusay.

Ma dhabaa in dal kale loo dhoofiyey?

Inkasta oo uu shaki geliyey in uu nool yahay, haddana wuxuusan meesha ka saarin suurtagalnimadda in loo dhoofiyey waddan kale, wallow uusan magacaabin mid gaar ah.

"Wallow aan fileyno sidda ugu kheyrka badan, haddana waa suurtagal in uusan nooleenba ama la geeyay waddan kale oo uusan ka baxsan karin," ayuu daboolka ka qaadey.

28-kii bishaan Janaayo, booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in Janan uu ka baxsadey goobtii uu ku xirnaa oo ku taala nawaaxiga xarunta hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka.

Idaacadda VOA-da oo soo bandhigtay sawir ay ku sifeysay "daaqadda uu ka baxsaday" ayaa baahisay in goobtaas la geeyay shan maalmood kahor inta uusan fakan.

Jubaland oo "aan ku qancin" warkaas ayaa codsatay in la qeexo geeri ama nolol xaalada Janan, waxayna shacabka iyo Caalamka u sheegtay "wixii ku dhaca Janan waxaa mas'uul ka ah dowladda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM