Maxaa ka soo baxey kulankii Barre Hirrale iyo wafdiga booqdey

Image
Image
Image

Wafdi ka kooban Wasiirro DFS, IGAD, odayaal dhaqameed iyo madax ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa galabta gaaray duleedka Woqooyi ee magalada Kismayo "Gobweyn" iyagoo doonaya inay la kulmaan Barre Aadan Shire Hiraale oo mudo sanad ah fadhiyay duleedka Kismaayo.

Wafdigaan waxaa wehliyey gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa Daraawishta Jubbaland kuwaasoo socdaalka qeyb ka ahaa. Kulankaan oo socday laba saac ayaa geed hoostiis ku dhex maray Barre iyo wafuud kala gedisan.

Dood dheer kadib maamulka Jubba ayaa sheegey iney ogolyihiin soo gelida Barre Hirrale ee Kismayo, waxayna ku xireen shuruud ah in ciidamada uu wato ee hubeysan aysan soo galin magalada marka laga reebo ilaaladiisa gaarka ah. Ciidamada kale ee la socda Barre Hiraale ayaa waftiga Jubaland ka socdey dhinaca kale soo jeediyeen in gacanta loo geliyo saraakiisha ciidamamda maamulka Jubba si loo dhaqan celiyo.

Arintaan oo dood dheer laga galay ayaa keentay in Barre caawa seexdo Gobweyn iyadoo lagu waday inuu wafdiga kula hoydo magaalada Kismayo isagoo ku adkeystay in ciidankiisa hubeysan uu la lagalayo Kismayo.

Dhinaca kale waxaa jirta saraakiil ka tirsan ciidamada maleeshiyaadka ka amarqaata Barre Hiraale kuwasoo mushahar ka qaata dowlada Federaalka in caawa magaalada Kismayo ku hoyanayaan waxana kamid ah Col. Cabdi Cigaal oo ah taliyihii ciidamada Hiiraale, Maxamed Cali iyo Cabdirashiid Macalin.

Odayaasha dhaqanka maamulka Jubba iyo maamulka ayaa ku baaqay in ciidamada Barre Hiraale ee la keenayo lagu xareeyo dhisme wayn oo ku yaal xaruntii hore ee Shiirkole.

Saraakiil socdaalka ku wehlisay oo la hadlay bogga GO Xafiiskiisa Kismaayo ayaa sheegay in la filayo in Beri uu soo xeroodo Barre Hiiraale.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM