Shabakada cabsi gelinta dadka u qaabilsan kooxda Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab, in wali aanan la baabi'in wallow uu 12-jir saday olalaha ay Qaramada Midoobey taageereyso ee iyaga ka dhan ah, waxay uga mahad-naqeysaa shabakadeeda sirdoonka, sida ay sheegeyso Mary Harper, wariye ka tirsan BBC-da.

Saxafiyadaan oo dhowaan socdaal ku tegtay magaaladda Baydhabo, koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa la kulantay xubno ka trsan Al-Shabaab, iyada oo soo siisay dhamaan macluumaad fahfaahsan oo ku saabsan waxay qabatay iyo halkay u sameysay.

"Markii aan UK imid, waxaan wicitaan ka helay Al-Shabaab. Waxay dhacday xitaa kahor inta aan la hadlin qoyskeyga, aniga oo sugaya boorsadeyda ama gaari si uu gurigeyga ii geeyo," ayay ku qortay mareega warbaahinta dowlada Ingiriiska maal-geliso.

Shabaabka lasoo hadlay gabadhan wariyaha ah ayaa waxa uu soo bandhigay dhamaan howlihii ay xiligaasi u socotay in ay qabato, sidda ay ku sheegtay ay faalada ku sharaxday.

"Adiga waxaad aaday Bangiga balse waa uu xirnaa. Waxaad garaacday albaabka, adiga oo isku deyay in aad furto. Sawirro ayaadna ka qaaday," ayuu yiri Shabaabka.

Maqaalkeeda ayay sidoo kale kusoo bandhigay hadalo ay tibaaxday in uu ku dhaliilay gebi ahaanba ilaaladeeda.

"Waardiyeyaashaada ma ahan kuwa xirfad fiican leh. Way iska wareegayaan, dhexdooda ayaa wada sheekeysanaya, qoryaha ayay garbaha isaga sitaan, halkii ay adigu kaa ilaalin lahaayeen," ayuu raaciyey.

Mary ayaa ku dhiiratay in ay waydiiso Shababka sida uu ku ogaaday dhamaan arrimahaasi, sida ay soo haleeelayn, waxayna u sheegeen in ay saaxiibo ku leeyihiin meel kasta.

Waxay u sheegtay in ay durba dareemayso welwel iyo cabsi balse iyaga ayaa ku wargeliyey in aysan baqdin dareemin "maxaa yeelay waxaa jira dad iyada ka muhiimsan oo ay beegsanayaan".

"Sikastaba ha ahaatee, waxay igu yiraahdeen waxaan sameyn doonaa marka aan meel khalad ah joogto xiliyada khaladka ah, waxaana ka badbaadi kartaa cawaaqib-xumadda," ayay daba dhigtay.

Sidda ay ku xustay warbixinteeda, waxa howshaan oo idil qabanaya ee xogteeda isku soo dabariday waa kooxda Amniyaarta loo yaqaano, taasi oo ah shabakad isku dabarin oo dhanka sirdoonka ah.

Waaxdaan oo soo uruurisay tafaasiisha shaqsiyaadka ay doonayaan in ay khaarijiyaan ayaa waxay ku dhex-milmeen laamaha amaanka Soomaaliya, taasi oo u sahleysa in ay helaan xogta cid kasta oo ay u gaarsanayaan.

Dhaqaalaha ugu badan ee kooxdaasi lagu maalgeliyo ayaa ka yimaada lacagta baada ah oo ay ka uruuriyaan shacabka ku nool magaalooyinka oo ay ku jirto Muqdisho, sidda ay dowladdu qirtay.

"Hadii cagta mariyo Amniyaarta, waa waayihii Al-Shabaab oo soo gabagaboobay," ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali, latalihii hore ee dhanka amaanka ee madaxweynaha Soomaaliya ahna khabiir amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM