Maxaa kala socotaa wadahadal u dhexeeya DF Soomaaliya iyo Jubaland ?

Image

NAIROBI, Kenya - Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxaa ka socdey malamihii lasoo dhaafey kulamo xal loogu raadinayo khilaafka u dhexeeya maamulka Jubaland gaar ahaan Madaxweyne Axmad Madoobe iyo madaxda sare ee dowlada Federaalka ah.

Warar warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in kulamdaan uu qayb ka ahaa taliyaha ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya  kaas oo u gogol xaarayey Booqasho madaxda sare ee Villa Somalia ku tagto magaalada Kismaayo.

Kulamadaan ayaa yimid asbuucyo kadib markii shir magaalada Garowe ku dhexmarey madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamulada Soomaaliya kaas oo ay kaga qayb galayeen caleemo saarkii loo sameeyey madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulahi Dani.

Wadahadkii Garowe ka dhacey dabayaaqadii bisha January ayaa sida warsidahaan soo gaartey waxaa la isku afgartey in inta uusan qabsomin shirka madaxda maamulada iyo Dowlada Federaalka kaasoo lagu wado in magaalo madaxda Puntland ka dhaco dabayaaqada March la soo dhameeyo khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Axmad Madoobe.

Khilaafkaan oo meel ba’an gaarey kadib markii ay xiriirka kala goosteen maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federalka ayaa waxaa uu gaarey in madaxda sare ee Villa Soomaaliya diirada saarto in doorashada soo soocota ee Jubaland kaga takhalusto Madaxweyne Madoobe.

Talaabooyinka Dowlada Federaalka qaadey tan iyo intii khilaafkaan jirey ayaa sida warar xogogaal ah u sheegeen GO waxaa kamid ah; In khilaaf laga dhex abuurto qabaa’ilka maamulkaan wada dhistey; abaabul golufyo ciidan oo kala duwan kaas oo ku wajahnaa degmada Bu’aale halkaas ay gacanta ku hayaan ururka Al Shabaab; iyo in Dowlada Federaalka ah ay Baadi-goobto musharax la tartama Axamad Madoobe doorashada soo socota ee Jubaland.

Dhinaca kale Dowlada Federaalka waxay geed gaaban iyo mid-dheer u fuushey sidii ay u kala goyn laheyd Madaxweyne Madoobe iyo Dowlada Kenya taasoo sida warar xogogaal ah u sheegeen GO fashil ku dhamaadey.

Dhamaan isku-dayadaas kadib iyo cadaadis ka yimid dhinaca beesha calaamka ayaa sida warar lagu kalsoon yahay xusayaan Dowlada Federaalka waxay go’aansatey In wadahadal toos ah la furto Madaxweyne Madoobe. 

Dowlada Federalka ayaa tan iyo intii khilaafku dhexmarey maamulada waxay ku guuleysatey in Musharax ay tageereyso ku soo baxo doorashadii dhiigu ku daatey ee ka dhaccdey maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa jira isku dayo guul- dareystey oo ay  Dowlada Federalka damacdey iney ku soo faragaliso doorashada Puntland kuwaas oo natiijadii ugu dambeysay noqotey in xilka Madaxweynaha uu ku guuleysto madaxweyne Dani oo ahaa musharax si madax banaani ah u galay tartankii loogu jirey xilka ugu sareeya ee maamulkaan. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM