Maxaa kamid ah qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo Somaliland?

Image
Image
Image
Image
Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Kadib is-mari-waa mar-xalad adag geliyey wadahadalada, shirkii Jabuuti ee u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaa lagu saxiixay heshiis, sidda ay xaqiijiyeen illo.

Maxamed Cabdi Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah, iyo Yaasiin Xaaji Xiir Fataroon, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa qalinka ku duugay heshiiska oo fahfaahin kooban laga bixiyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo goobjoog ka ahaa madasha heshiiska lagu saxiixay, ayaa u mahadceliyey wafuuda labada dhinac oo uu ka dhawaajiyey "in ay go'an tahay helista xal".

Dhinacyadda oo madasha ka hadlay ayaa soo hadal-qaadey qaar kamid ah qodobada leysku mari-waayey, wallow aysan si toos ah uga hadlin.

Kahor inta aan la saxiixin heshiiska, Saciid Sulub oo ah wasiirka beeraha Somaliland xubinna ka ah guddiga farsamo ee dhinacyadda ayaa farta ku fiiqay qodob sababay in shirka burbur ku dhawaado.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, qodobkaas ayaa ah in leysku furo isu socodka labadda dhinac gaar ahaan in ay isku gudbaan siyaasiyiinta xilka haya, arrintaas oo guddiga dhanka Somaliland uu kasoo horjeestay.

Guddiga farsamo ee ka socday dhanka dowladda federaalka ayuu ku qeexay "kuwa aan xog-ogaal ahayn oo aan diyaar ahayn". Maalmihii lasoo dhaafay ee shirku socday ayuu xusay in ay is-qabqabsi ku jireen.

"Mucaawinada ay gaalada kasoo qaadaan bey isku dayeen in nooga iib-sadaan qaranimada Somaliland oo aan jilbaha qabsano, waanu ka diidnay. Waxaa kaloo kamid ah; in ay leys dhex-galo oo shaqaalaha dowladda isu gudbaan Hargeysa iyo Muqdisho oo ay caddeeyaan in aan nahay maamul goboleed, taasna waanu diidnay," ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Saciid.

Heshiiska horudhaca waxaa lagu waramay in ay kamid yihiin qodobada; in lasii waddo wadahadalada iyo guddi loo saarayo heshiis laga gaaro qadiyadaha; hawada, isu socodka iyo ammaanka.

Guddiyadaan farsamo oo xubno labada dhinac ka socda ay kamid yihiin ayaa muddo 15 casho kadib waxay kulamo ku yeelan doonan Jabuuti.

Mareykanka iyo Jabuuti ayaa kaalin weyn ka cayaaray in ay mar kale isa soo hor-fariistaan dhinacyadda kadib markii wafdiga Somaliland uu shirka ka baxay maanta kadib is-mari-waaga qodobka socdaalka.

Wadahadaladda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii ayaa Sabtidii asbuucaan ka bilowday Jabuuti, waxaana isha lagu wadda hayaan natiijadda kasoo baxda.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM