Maxaa keenay in Musfata uu noqdo Madaxwaynaha DDSI?

Image

JIGJIGA - Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa sida ay ku timid in Mustafa Maxamed Cumar loo xusho Madaxwaynaha KMG ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo tan iyo horaantii bishaan ay ka jirtay xaalad kac-sanaan ah.

Axmed Cabdi Sheekh Maxamed oo ku magac dheer Axmed Ilka-case, kaasoo kahor xulashada Mustafe loo doortay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka, laakiin haatan xilka wareejin doono ayaa fahfaahin dheeraad ah ka bixiyey.

Fariin muuqaal ah oo uu iska soo duubay, taasoo uu Axmed Ilka-case soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay xil wareejinta, waxana uu balanqaaday inay kala shaqayn doono mas'uulka cusub shaqada hortaala.

Waxa uu ka dhawaajiyay in xulashadda Mustafa oo timid kadib kulan ay yeesheen xubnaha Xisibiga ka arrimiya DDSI iyo Odayaasha degaanka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ka qabsoomay Magaaladda Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Mustafa kama tirsan Xisbiga ESPDP, Baarlamaanka ama Gollaha Dhexe, taasoo ka hor-imaaneysa sharciga u degan Xisbiga ka arrimiya DDSI inuu Madaxwayne ka noqdo degaanka, laakiin Axmed Ilka-case ayaa tilmaamay inay ka baaqsan waayeen talaabada ay qaadeen.

"Xisbiga ayaa burburi gaarey, marka, waxaan u aragnay xalka ugu dambeeya kadib markii aan eegnay xeer-hoosaadka Xisbiga, oo aan meelo kala duwan wax ka eegnay. Waxaana diyaar u nahay inaan kala shaqayno sidii uu degaanka u xasilin lahaa," ayuu yiri Axmed Ilka-case.

Doorashada guud ee xisbiga oo dhaceysa 2020-ka ayuu tibaaxay Axmed Ilka-case inta waqti laga gaarayo uu xilka sii hayn doono Mustafa, markaasoo Xisbiga uu si rasmi ah u dooran doono hogaan cusub iyo Madaxwaynaha cusub ee DDSI.

Mustafa ayaa si wayn u dhaleecayn jiray nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illey] ayaa waxaa shaqada ugu horeysay ee hortaala waxay tahay dejinta xiisadaha ka jira degaanka iyo qaboojinta colaada Soomaalida iyo Oromada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM