Maxaa laga filan karaa kulanka uga furmaya maamulada Soomaaliya Baydhabo?

Image

BAYDHABO- Magaalada Baydhabo ayaa waxa la filayaa in kulan uga furmo 48 saac ee soo socota madaxda maamulada Soomaaliya kuwasoo ku midoobey gole iskaashi oo lagu soo dhisey xarunta KMG ah Jubaland.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ah gudoomiyaha golahaan ayaa qoraal uu soo saarey 6 May, 2013 ku wargaliyey madaxda maamulada in ay isugu yimadaan kulan bisha May 13 keeda kaasoo lagu qabanayo magalaada Baydhabo. Halkaan ka akhri 

Kukankaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu xun yahay xiriirka u dhexeeya maamulada Soomaaliya intooda badan iyo dowlada Federalka iyadoo la filayo in Ajandaha ugu sareeya ee wadhadalkaan noqon doono kala aragti duwaanshaha arimaha la xiriira khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka.

Yaa ka soo qayb galaya kukankaan? 

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey kulankaan ayaa la filayaa iney kasoo qayb galaan madaxda maamulka Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed oo marti loo yahay, HirShabeele halka Madaxweynaha maamulka Galmudug Shaki ku jiro imaanshahiisa magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geele ‘Xaaf’ ayaa xiriir dhow la lahaa bilihii ugu dambeeyey madaxda dolwada Federalka isagoo balanqaadyo mashaariiceed ka haysta Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Federalka Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa booqashadii uu ku marey maamulkaas sanadkaan bilowgiisa waxaa uu sameeyey balanqaadyo lagu dhisayo Dekada magalaada Hobyo iyo jid isku xira magaalada xeebta ah ‘Hobyo’ iyo  xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo.

Dowlada Federaalka ayaa maalmo kadib markii shirkaan uu iclaamiyey Madaxweynaha Puntland waxay Wasiirkeeda qorsheynta u dirtey xarig ka jarista wado isku xireysa magalada Hobyo iyo Galkacayo isagoo balanqaad uu halkaas ka sameeyey Wasiir Jamaal ku sheegey in Villa Somalia bixineyso lacagta lagu dhisi doono laamiga Mari doona Jidkaan.

Dhinaca kale waxaa heer hoose maraya  xiriirka u dhexeeya madaxda dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed kadib markii labada dhinac loolan adag ku dhexmarey doorashadii gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya iyadoo sida GO fahansan yahay lagaga adkaadey musharaxii uu taageerayey Shariif Xasan ‘Ibraahim Yarow’.

Wararka laga helayo magalaada Muqdisho ayaa sheegaya iney socdaan qorshayaal xilka la rabo in lagaga qaado madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo HirShabeele.

Labadaan maamul ayaa xildhibaanada Baralamanadooda iyo siyaasiyiintooda waxay ku sugan yihiin ama dagan yihiin magalada Muqdisho.

Maxaa la filayaa in kulankaan ka soo baxo? 

Kulankii madaxda maamulada Soomaaliya ku qabsadeen magalada Kismaayo October 2017   ayaa waxa kasoo baxay qodobo muhiim ah kuwasoo diirada saarayey  amniga dalka , siyaasada arimaha dibada ee ku aadan khilaafka Khaliijka, qaybsiga khayraadka dalka, Dastuurka iyo doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan sanadka 2020. 

Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa looga dhawaaqey gole iskaashi oo mideeya maamulada Soomaaliya kaasoo la rabey inuu wada hadal kala yeesho dowlada Federaalka sidii qodobadaan loo meelmarin lahaa.

Kulan magaalada Muqdisho ku dhexmarey madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka ah Nov,2017 ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim u ah Dastuurka, qaybsiga khayraadka, joojinta faragelinta arimaha gudaha maamulada iyo qodobo kale kuwasoo intooda badan xiojinayeen wadahadalkii Kismaayo.

‘Madaxweynaha dowlada Puntland oo golahaan madax u ahaa ayaa xiriir dhow la sameystey madaxda dowlada Federaalka isagoo hoos u dhigey shaqada golahaan.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey mid kamid ah sarakiisha maamulada Soomaaliya ee kulamadan ka qayb galey.

Dhinaca kale waxaa baaqdey kulan golahaan ku yeelan lahaa magalaada Garowe kadib markii uu ku soo beegmey xilli khilaaf xoogan ka dhexjiro golayaasha dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsadey madaxda maamulada in kulankaan baajiyaan madaama arimo siyaasadeed ka haystaan magalaada Muqdisho.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dhinaca kale  codsadey in dib loo dhigo kulanka Garoowe madaama uu loolan adag kaga jirey Doorashada gudoonka Barlamanka ee ka dhaceysay Muqdisho.

Kulanka Baydhabo ayaa la filayaa inuu ka duwanaado midkii ka dhacey magaalada  Kismaayo sida Dad xogogaal ah sheegayaan. 

Madaxda maamulada Soomaalida ee ka qayb galeysa wadahadalka Baydhabo ayaa intooda badan waxaa ku soo wajahan doorashooyin  fursad siyaasadeed siinaya dowlada  Federaalka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku tagaya dalka Qadar ayaa sida wararka aan ku heleyno wadahadalka uu la galayo Doha ku waydiisan doona dhaqaale uu siyaasiyin kula diriro madaxda maamulada ee tageeraya wadanka Imaaradaka Carabta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM