Maxaa loo beegsaday Aamina, Gabadha lagu dhex dilay Jaamacadda?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabka uu u dhacay dilka Gabar kamaid ahayd Ardayda Jaamacad lagu magacaabo University of Somalia [UNISO], oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Dilkan oo shalay Subaxnimadii Jimcaha, [21-ka September] ayaa waxaa loo geystay Aamina Xuseen Xasan, oo aheyd ardayad dhiganeysay Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka ee Jaamacadda, kuna jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashada.

Dilkeeda waxaa ka dambeeyay sida maamulka Jaamacadda UNISO sheegay labo dhalinyaro ah, oo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo Aamina ugu galay Fasalkii ay fadhiday, kadibna kursigeeda ku toogtey.

Ardayda dhiganeysay Jaamacadda, gaar ahaan kuwoo fasalka la gadhiyay Allah ha u naxariistee Aamina ayaa kala cararay, halka kuwa kalena ay ka argaxeen dhacdada goobta ka dhacday awgeed.

Aamina waxay dhigan jirtay qeybta UNISO ku leedahay Baar-Ubax, oo kamid ah meelaha sida aadka ah ugu xoog badan yihiin Amniyaat-ka Al Shabaab, oo sahlan tahay in lagu khaarijo dadka la shaqeeya dowladda iyo kuwa kale.

Maxaa loo dilay Aamina?

Daba-gal uu sameeyay Warsidaha Garowe Online ku ogaadey in marxuumadda la dilay ee Aamina ay ahayd Dhame katirsan hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ee [NISA], balse su'aashu ay tahay sidee Al-Shabaab ku ogaatey?.

Waxaa kaloo la is waydiinayaa sida raggan hubeysan ay albaabka Jaamacadda uga soo gudbeen, iyadoo la ogyahay inay leedahay dad u xil-saaran mas'uuliyadda amniga, oo waardiyaal xilliga la dilayay Aamina shaqada ku jiray.

Waxaa la rumeysan yahay in NISA ay ku jiraan xubno badan oo Al Shabaab xiriir hoos la leh iyo kuwa iyado horey uga soo goostay oo hay'adda ku biiray, kuwaasoo la wadaagga Kooxdan xogaha muhiim ah.

Xildhibaan kamid ah gudiga amniga Baarlamaanka, gaar ahaan aqalka Hoose ayaa dhawaan sheegay in hogaanka NISA uu shaqada ka eryay 200 oo xubnood, balse lama oga in Aamina ay kamid ahayd kuwaas.

Dhamaan Askartii laga erayay NISA ayaa soo foodsaartay sida uu Xildhibaanku sheegay cabsi dhanka amnigooda ah, iyadoo qaarkood xubnaha la shaqeeyay Al Shabaab ee kuu jira hay'addan dusiyeen sawiradooda iyo magacyadooda.

Taliye-yaal katirsanaa NISA , gaar ahaan labadii ku xigeen ee Agaasiimaha hadda xilka haya Xuseen Maxaamed Xuseen [Uurkuus], ayaa xilalka laga qaadey dhawaan, iyagoo lagu bedelay Fahad Yaasiin.

Dhex-gelida Al Shabaab ay dhex gashay hay'adda Sirdoonka dalka ayaa laga muujiyay walaac xooggan, maadaama ay tani wiiqayso dedaallada lagu sugayo amaanka, iyadoo halis ku tahay dowladda Federaalka.

Saraakiisha NISA wali wax war ah kama soo saarin dilka Aamina, mana xaqiijin hadii ay kamid ahayd dadka la shaqeeya iyo inkale.

Allaha u naxariistee Aamina waxay ahayd ruuxii saddexaad ee maalintii shalay kaliye Muqdisho lagu dilay, iyadoo sidoo kale la dilay Dayax Iimaan Xasan oo dhowaan soo dhamaystay waxbarashadii heerka Jaamacadeed.

AUN Dayax Iimaan Xasan

Dayax oo ahaa wiil dhalinyaro ah, ayaa waxaa lagu dhex dilay Gaarigiisa xilli uu marayay meel ku dhaw daarta Sey Piano ee degmada Hodon, kadib markii ciidamo rasaas ku fureen, kadibna meesha uga dhaqaaqay meydkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM